Wasiirro Gaadhay Bakhaarkii Dumay ee Wajaale iyo Amar Dhismayaasha Dalka laga soo Saaray

0
357

Wajaale (Dawan) Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Somaliland, ayaa amar ka soo saartay dhammaan dhismayaasha dalka laga bineynayo, kadib markii bakhaar weyni ku dumay magaalada Wajaale, sababayna dhismashada afar ruux iyo dhawaaca toban qof.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo booqday goobta mashaqadu ka dhacday ee magaalada Wajaale, ayaa sheegay in ay lagama maar maan tahay ku dhaqanka sharciga wasaaradda hawlaha guud ka soo saartay guud ahaan dhismayaasha binada ah hannaanka loo marayo.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi, ayaa faray dawladaha hoose ee dalka amar ah la socodka dhismayaaha iyo in aan la dhisi karin guri shaqaalihiisu aanay xidhnayn qalabkii looga baahnaa inay sitaan islamarkaan aaan la bineyn karin dhisme aanay dawladda hoose ogolaanin oo aan haysan sharcigii dhismaha.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiita iyo teknoolajiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay iyada oo aan la dhaafi karin qadarka in loo baahan yahay in wax laga barto dhacdooyinka ina soo mara ee waxyeelada sababa, islamarkaana laga taxadiro si aanay mar danbe u dhicin masiibadaasi oo kale.

Wasiiradda isgaadhsiinta iyo hawlaha guud oo socdaal ku tagay halka uu ku yaalo dhismaha bakhaarka Wajaale ee dumay ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen marxuuminta geeriyooday.

 

Wasiir Qanbi oo ka hadlayay goobtaasi waxaa uu yidhi “Waxaad og tihiin cidhif illaa cidhif, in Somaliland inta dhul dumaya ee wax lagu noqonayo, tan afartuna ku dhimatay tobankuna ku dhaawantay ay u danbaysay guri shacab leeyahay oo aan haysan waraaq dawladda hoose laga soo qaaday, marka hore hala kala danbeeyo oo jeexida aan aheyne ah dhismaha.

Waxaan ku amraya dawaladaha hoose oo aan faraya in meelkastaba ha joogeene in guri la dhisayo cidda dhisaysaa iyada oo aan agabkii dhismaha sidan oo aan xidhnayn lama geli karo dhisina  karin”

Dhanka kale wasiirka isgaadhsiinta oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay iyadda oo aan la dhaafeyn qadarka hadana in ay tahay in wax laga barto wixii dhacay si aanay dib u dhicin waxaanu yidhi “Waa qadar ILLAAHEY waynu aaminsanahay in wixii ILLAAHEY qoray marna aanay inna seegayn, balse mar walba waxaa inna horyaalla in aynu ka faa’ideysano wixii dhacay si aanay mar labaad inoogu soo noqon, sida ay wasaaradda hawlaha guud sheegtayna maanta wixii ka danbeeya waxaa ay hirgelin doonaan sharciga dhismayaasha dalka lagu dhaqayo”

Leave a Reply