Magaalo Shaqo Abuur U Samaysa Dadkeeda!

0
831

Magaalada Newdelhi oo ah caasimadda Hindiya waxay leedahay taariikh fog , waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan dunida, maxaa yeelay waxa ku yaalla goobo badan oo taariikhi ah.

Waa magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi, waana magaalada sideedaad dhinac caalamka.

Waxay ku taalla waqooyiga dalkaasi dacalada webiga Yamna. Dadka degan ayaa lagu qiyaasay 13 Malyuun oo qof. Magaaladani waxay leedahay is xukun hoose iyadoo baarlamankeeda gaarka ah leh tan iyo sanadkii 1991.

 

Uttam Nagar  waa tuulo ku taalla badhtamaha magaalada waana goob dadka lagu baro xirfadaha gacanta. Qoyska oo dhan ayaa xirfadda baran kara, caruurta yaryar ayaa xirfadaha la baraa iyagoo 4 sano ah.

 

Waxaana ay dhoobada ka sameeyaan noocyo qalab kala duwan, iyagoo looxanta ka sameeya qalab kala nooca oo guryaha iyo xafiisyada lagu qurxiyo. Ujeedada farsamooyinka gacanta ee caruurta iyo qoysaska ayaa ah inay magaaladu isku filaato isla markaana ay shaqada farsamada bartaan caruurta iyo qoysasku si dadka shaqo loogu abuuro.

 

Leave a Reply