Golaha Guurtida Somaliland oo Warbixino ka Dhageystay Guddiyo Kormeer ku Tagay Gobollada Qaarkood

0
446

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta waxaywarbixino ka dhageysteen labo guddi oo kormeer ku soo maray gobollada Maroodi-jeex, Hawd iyo Togdheer.

Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi Md- Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi waxay warbixino ka dhageysteen  guddiyada krmeeka ku tagay gobollada Maroodi-jeex, Hawd iyo degmada sallexley oo ay kaga xogwarameen baahiyaha ka jira dhinaca   adeegyada arrimaha bulshada ee deeganandaasi, kuwaas oo ugu muhiim sanaayeen waxbarashada, Biyaha iyo caafimaadku.

Iyado degmadaasi faro weyne ay leedahay rig biyood magalada dhexdeeda ku yaala  iyo  saldhiga booliskaba ,iyagoo maamulka degmadaasi wasarada horumarinta maaliyda Somaliland ka dalbanayeen in kastamka oo goob dayacan ku yaala ay ka howlgalaan masuliyiinta wasaradaasi,iyadoo xagga dalaga beeraha aanay sanadkani aanu hadhuudh badani ka soo gu-in sababta oo ah ayax ku habsaday awgii.

Sidoo kale, guddidii guurtida ee kormeerka ku tagtay gobolka Togdheer ayaa faahfaahin ka bixiyey baahiyihii ay usoo bandhigeen masuuliyiintii deegaannadaasi oo u badnaa dhinaca arrimaha bulshada, iyaga oo intaas ku daray in gobolkaasi xaddheer la wadaago Itoobiya, kaas oo ay  ka soo gudbaan mukhaadaraad badan oo dhibaato ku haya dhallinyarada gobolkaasi, iyaga oo xusay in dhibaatada wax ka qabashada u baahan ay tahay shaqaaqada deegaanka Beeyo-macaan, arrintaasi oo ay xukuumadu kaalinteeda ka qaadatay daminta shaqaaqadaasi.

Leave a Reply