Sirta Guusha Flasafadda Kaizen!

0
768

Kaizen waa eray luqada Jabaanka ka mid ah oo macnihiisu yahay “isbeddel wanaagsan” ama “horumar joogto ah.” Waa sirta falsafada ganacsiga Japan oo ah geeddi-socodka oo si joogto ah u fulaya, taas oo ku lug leh dhammaan shaqada iyo shaqaalaha.  Falsafadda Kaizen waxay u aragtaa horumarinta wax soo saarka inay tahay mid si tartiib tartiib iyo hanaan nidaamsan ku hirgasha.

Waana iyadoo la hagaajinayo barnaamijyada iyo nidaamyada qorshaysan ee la doonayo in la gaadho, kaizen waxay ujeedadeedu tahay baabi’inta wax soo saarka liita ama hooseeya, iyadoo looga gudbayo si joogto ah oo aan marna istaagayn haba yaraado dhaqaaquye.

Kaizen waxa markii ugu horreysay lagu fuliyay ganacsiga Japan ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, wakhtigaasi oo uu gebi ahaanba burburay. Markii la arkay horumarka Kaizen waxa ay saameyn ku yeelatay qeyb ka mid ah ganacsiyada Mareykanka iyo macallimiinta bixisa barnaamijyada tayada maamulka iyo maaraynta, waxana ay raaceen nidaamka ay ku hawlgashay shirkadda Toyota Way.

Intaasi ka dibna nidaamka Kaizen waxa uu ku faafay adduunka oo dhan iyadoo xataa lagu dabaqay jawiyo ka baxsan ganacsiga iyo wax soo saarka.

Kaizen waa fikrad tilmaamaysa waxqabadka ganacsiga ee sida isdaba joog ah u kobcaya iyo dhammaan howlaha ku lug leh shaqaalaha hoose ilaa Agaasimaha iyo maamulka sare, kuwaasi oo si kooban oo joogto ah hawsha horumar ugu samaynaya.

Eraygu waxa macno ahaan loola jeedaa wax kasta oo horumar ah, oo isdaba-joog ah, ama ha weynaado ama ha yaraado,   Ingiriisidana waxa sida caadiga lagu dabaqaa arrimaha lagu fulinayo hagaajinta joogtada ah ee joogsi iyo noqnoqdka lahayn, gaar ahaan kuwa leh “falsafada Japan”.

Kaizen waana sirta fikradda guusha Japan ka danbaysa, si kooban maccno ahaan waa:” Qabo hawl joogto ah, haba yaraate, waad guulaysan oo isbedel ayaa kugu dhacay”.  Shaqo kasta waa inay lahaato qorshe, isla markaana waa in waxqabad jiro, haba yaraate, iyadoon marka hore loo soconayo oo aan la joogsanayn ama dib loo noqonayn.

Leave a Reply