Guddida dhismaha Waddo Bariis oo qaadhaan lagu wareejiyey

0
484

Guddida gacanta ku haysa wadada laamiga ah ee Waddo-bariis, ayaa waxa lagu wareejiyey lacag qaadhaan ah oo qadarkeedu dhan yahay $15000 oo dollar, taasoo ay ku wareejiyeen Ururka HAVDO.

Munaasibada wareejinta qaadhaankan, waxa ka qaybgalay xubno kamida guddida maamulaysa dhismaha wadadaas, qurbo-joog iyo masuuliyiinta ururka deeqda bixiyey.

Guddoomiyihii hore ee Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka Axmed Xaashi Oday, Guddoomiyaha Ururka Injineerrada Somaliland Axmed Cabdi Ibraahim iyo xubno kale oo ku hadlay afka Guddida, ayaa si weyn ugu mahad celiyey ururka qaadhaanka ku wareejiyey.

Halkan ka Daawo:

Wadadan oo isku-xidhaysa deegaamo badan oo ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhismaheedu socday bilihii u dambeeyey.

Leave a Reply