Wasiirka Caafimaadka oo Kormeeray cisbitaalka guud ee…

0
655

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi  Badde, oo ay wehelinayaan agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargaysa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa maanta kulan la qaatay madaxa ugu sareeya hay’adda Cafimaadka aduunka ee (WHO).

Kulankan oo ka qabsoomay cisbitaalka guud, ee magalada Hargaysa ayaa lagu lafa gurayay sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha caafimaad ee ka socda dhakhtarka iyo sidii looga wada socon lahaa saamaynta xannuunkii safmarka ee Covid-19.

Sidoo kale, waftiga ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee dhakhtarka iyagoo warbixino kala duwan ka dhagaystay hawl-wadeenada iyo maamulka gacanta ku haya goobaha ay kormeereen.

Ugu dambayn, wasiirka iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa uga mahadceliyay habsami socodka hawlaha cafimaad masuuliyiinta shaqaalaha cisbitaalka guud, isago ugu danbeyn tallo waayeelnimo faraqa ugu guntay kuna adkeeyay sidii wad jir iyo isku duubni bulshada.loogu adeegilahaa.

 

 

Leave a Reply