Bada Berbera oo liqday laba Dhallinyar ah

0
793

Berbera-(Dawan)_Wararka ka imanaya magaalo xeebeedka Berbera ayaa sheegaya in laba dhallinyaro ah oo saaka ka tagay Caasimada Hargaysa ay geeriyoodeen kadib markii ay badu liqday.

Labadan Marxuun ee ay badu liqday ayaa la kala odhan jiray Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed C.raxmaan Xaashi Warku wuxuu intaas ku darayaa inuu shilkan ka badbaaday hal wiil oo la socday labada marxuun Waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha hawlgelinta Ciidanka booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin maxamed Cabdi.

Photo Sawirka Labada Marxuun AHN

Taliyuhu waxa uu intaas raaciyey in la aqoonsaday labada marxuun ee geeriyooday Waxa uu Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee dabaasha iyo dalxiiska u imanaya magaalo xeebeedka Berbera ay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xiligan Kacsan tahay.

Leave a Reply