Magaalo Wiilasho Aanay Ku Dhalan!

0
718

Magaalada Miejsce Odrzańskie oo ku taal koonfurta-galbeed ee Poland. Oo qiyaas ahaan koonfurta ka xigta 57 km magaalo madaxda gobolka Opole.

Mudadii ka horaysay sanadkii 1945 deegaankani waxa uu ka mid ahaa dalka Jarmalka waxaana lagu magacaabi jiray Mistitz. Mudadii ka danbaysay dagaalkii Labaad ee Adduunka magaaladii waxaa lagu wareejiyay Jamhuuriyadda Poland. Magaaladan waxa caan ka dhigay wakhtigan ka dib markii muddo 10 sano ah aanu ku dhalan wax wiil. Dhamaan caruurta ku dhasha waxay ahaayeen hablo keliya.

Dumarka tuulada ayaa u tegay wadaada kiniisadda si ay ugu duceeyaan inay dhalaan wiilal, laakiin waxba iskama bedelin arintaasi. Magaaladan shaqo kasta hadda waxa qabta dumarka, iyagoo kuwa yaryarna loo tababaro sidii ay hawshaasi raggu qaban jireen ay qabtaan madaama magaaladooda aanay jirin wax wiil ah oo ku dhashay. Shaqooyinka ay hadda sida xooga leh u qabtaan waxa ka mid ah Dab demiska, iyo hawlaha nadaafadda iyo kuwa maamulka magaalada.

Dumarka tuulada ayaa siyaabo kala duwan u arka arinkan iyagoo qaarkood ay aaminsan yihiin in loo baahan  yahay rag madaama hablaha in la guursado ay tahay. Halka kuwo kalen ay ku doodayaan in aan rag loo baahnayn oo rebeshkooda kala raysanayo.

 

Leave a Reply