Guddida qandaraasyada oo daah-furay afar mashruuc oo laga maal-gelinayo Qasnada Dawladda

0
500

Xukuumadda oo dib-u-xoollaynaysa barakacayaasha ku dhaqan gobolada Togdheer iyo Sanaag ee ku caydhoobay Abaaraha…

Hargeysa(Dawan)-Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey tartan loo gelayo Afar mashruuc oo ay dawladdu fulinayso, kuwaasoo ay ku tartamayaan tobanaan shirkadood oo waddani ah.
Mashaariicdan qandaraaskooda la baahiyey oo isugu jira kuwo lagu horumarinayo adeegyada dhinaca Biyaha, waxa kamida barmaamuj gaadiidka dawladda lagu xidhayo macluumaadka lagula socdo dhaqdhaqaaqa ee GPRS loo yaqaano.
Munaasibada shaacinta qandaraasyadan oo lagu qabtay xarunta guddida Qandaraasyada Qaranka ee caasimada Hargeysa Arbacada maanta, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamida guddidaasi iyo Wakiillo ka socday Shirkaddaha kala duwan ee fulinta mashaariicdan ku tartamaya.
Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada qandaraasyada guddidu daah-furtay iyo tirada shirkaddaha ku tartamaya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in mashaariicdan uu ku jiro mashruuc dib loogu xoolaynayo dadkii ku caydhoobay abaarihii dalka ka dhacay sanadihii la soo dhaafay ee ku jira kaamamka barakacyaasha Gobolada Togdheer iyo Sanaag.
“Waxaan daah-furaynaa afar mashruuc oo lagu tartami doono, kuwaasoo kala ah GPRS lagu xidhayo gaadiidka Dawladda oo ay ku soo tartameen todoba shirkaddood, laba hool oo loo dhisayo wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, waxaana ku soo tartamay 27 shirkadood. qandaraaska dib-u-xoollaynta dadkii ay abaaraha kala dambeeyey ku dhufteen ee ku sugan xeryaha Barakacayaasha Togdheer iyo Sanaag, waxa ku soo tartamay 8 shirkaddood”
“Biyo-balaadhinta Magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale, Dhaamamkaka Maxamed Daa’uud, Qool-bulaale iyo Gumburaha waxa iyaga ku soo tartamay 18 shirkadood. dhamaan shirkaddaha ku soo tartamay qandaraasyadaasi waxaanu u xullan doonaa si daah-furan”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo intaasi ku daray “waxa xusid mudan in qandaraasyadan iyo kuwii ka horeeyeyba laga maal-gelinayey qasnada dawladda, cashuurtii dadweynaha laga qaaday ee ka soo baxday dalka”.
Xubno kamida guddida qandaraasyada oo iyaguna munaasibada ka hadlay ayaa balanqaaday in guddidu sidii looga bartay hab cadaalad ku dhisan u kala xulli doonaan shirkaddaha soo codsaday qandaraasyadan, waxaanay intaasi ku dareen in dhamaan qandaraasyada ay bixiyaan ay ku samayn doonaan kormeer iyo qiimeyn hubin ah.

Wakiillo u hadlay tartameyaasha oo ay kamid yihiin saraakiil ka socday shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay guddida ka rajjeynayaan natiijo ku salaysan cadaalad iyo hufnaan, iyagoo balanqaaday in ay ku qanci doonaan go’aanka kala xulista ee ka soo baxa guddida.

Labada Shirkadood ee ugu weyn dhinaca Isgaadhsiinta dalka ee Somtel iyo Telesom, ayaa kamida shirkaddaha ku tartamaya qandaraaska lagu bixinayo qalabka la socodka dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dawladda (GPRS), kaasoo wax weyn ka taraya suggida nabad-gelyada Gaadiidka Dawladda.
Halkan ka Daawo Muuqaal

Leave a Reply