Wefti ka Socda Dalka Itoobiya oo Booqday Dekadda Berbera

0
660

Berbera (Dawan) Wefti ka socday waddanka Itoobiya oo uu hogaaminayay wasiirka waraabka iyo dooxooyinka DDS, mudane Cabraxman Ciid Daahir, ayaa booqasho indha indheynta ku tagay dekadda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waxaa weftiga goobaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dekadda Maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi ayaa ugu horeyn ka hadlay soo dhaweynta ay u sameeyeen weftiga heer fadderaal iyo heer deegaan ee ka socday dalka Itoobiya ee booqashada ku tagay dekadda Berera. “Weftiga qiimaha leh ee madaxda kala duwan ee dhinackastaba leh heer wasiir, hogaamiyayaasha kale ee Janananada ciidamada iyo dhammaan waxaan leeyahay gobolka Saaxil, imaantinkiinu waa noo mihiim iyo wada shaqeynta labada wadaan, waa in aynu sii xoojino halkaana ka sii wadno waan idinku hanbalyeynayaa imaantinkiina”

Maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa ka waramay goobaha ay weftiga soo mariyeen intii ay ku sugnaayeen xarunta dekadda. “Waxaa aanu soo tusnay adeeg bixinta laga sameeyo dekadda Berbera, waananu soo dhaweynaynaa weftiga, waxaa aanu rajeynayna hadii ILLAAHEY yidhaaho in  aanu wada shaqeyn dhaw yeellano, waxaa aanu leenahay soo dhawaado”

Hoganka nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim, ayaa sheegay in ganacsiga dalka Itoobiya intiisa badani  in ay soo marto dekadda Berbera. “Safarkani waxaa uu salka ku hayay in la sii adkeeyo xidhiidhka labada waddan ee Itoobiya iyo Somaliland, dhanka abniga Berbera waa meel mihiim u ah dhaqaalaha mandaqada, ganacsiga labada waddan ka dhaxeeya xoogisu waxa uu soo mara magaalada Berbera nolosha shacabka dawladda deegaanka inteeda badan halkani ayuu ka yimaada”

Leave a Reply