Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka Tanaasulay Gudoomiyenimada 4-aad ee Xisbiga KULMIYE  

0
609

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay guddoomiyenimadda afraad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, waxaa uu sheegay in uu kursiga uga tanaasulay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha mudane Saajin. “Waxaan halkan maanta u soo joogsaday in aan u tanaasulo Qaranka Somaliland, maaddama uu xisbigayagu xisbi xakiima yahay oo aanu aheyn xisbi mucaarida oo bannaan jooga, khilaafkuna Qaranka dhibaato ku yahay, in aan u tanaasulay Qarankii Somaliland maanta, xisbigi KULMIYE, iyo gobolkaygii Awdal, oo xadaafin doorasho aad u kala kaxaysay in aan mar danbe tolkay qaybsanaan danbe sii gelin taasi ayaan u tanaasulay, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha in aan u tanaasulo mudane Saajin maadama aan anigu odaygii Qaranka ahay mar hadii wiilkaygii ila tartamay anigu in aan uga tanaasulo”

Leave a Reply