Wasiir Saajin oo ka Hadlay  Tanaasulka Madaxweyne ku xigeenku u sameeyey

0
690

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga mudane Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, uga mahad celiyay tanaasulka uu uga tanaasulay gudoomiyenimada 4-aad ee Xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale Saajin waxaa uu u mahad celiyay cidkasta oo ka shaqeysay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenku isaga tanaasulaan kursiga.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga mudane Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin)  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Madaxweyne ku xigeenka oo gartay in uu iga tanaasulo arrintii aan isku qabanay aad iyo aad ayaan dhab ahaantii ugu mahad naqayaa, waa nin xisbiga raggi dhisay ka mida dadaal badana galiyay, isaga oo u tudhaya xisbigii uu aasaasayaashiisa ka mid ahaa, maanta in uu iga tanaasulo waxaa weeyaan waxaa uu iga mudan yahay mahad iyo sharaf.

Sidoo kale waxaa aan u mahad naqayaa intii ka shaqeysay isu soo dhaweynta ee hawsha ka seexan wayday ama wasiiro ha noqdaan uguna cadcadayeen Samaale iyo odayaasha dhaqanka ee reerka, aad iyo aad ayaan iyagana ugu mahadnaqayaa”

Leave a Reply