Wasiirka Arrimaha oo ka Warbixiyay Tanaasulka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

0
725

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu ku soo caano maalay isu tanaasul marka ay dhexdiisa timaado in lagu tartamo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sharaftii iyo karaamadii xisbigulahaa ay u hibeeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, maadama uu ka tanaasulay guddoominimada afraad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed,  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi .“Waxaa soo dhaw oo imika maalin iyo laba ka hadhsan tahay shirweynihii lixaad ee xisbiga KULMIYE, waxaa weeye xisbiga maanta dalka ugu da weyn, xisbigaasi waa xisbi weyn oo balaadhan, markasta oo xisbi siyaasi ah hawlihiisa iyo shir weynihiisu uu yimaado waxaa yimaada olole damac, iyo hawlo asxaabta siyaasiga ahi leeyihiin oo KULMIYE uu ka mid yahay.

Madaxweyne ku xigeenku go’aan ayuu qaatay xisbigiisana waa uu ka aqbalay raggiisana waa u ka tallo qaatay, waxaanu go’aan geesinimo leh ku gaadhay in uu tartaanka ka tanaasulo, waa go’aan dadnimo leh, xisbinimo leh, geesinimo leh, shaqsinimo leh, islamarkaana muujinaya hal adaygiisa go’aankiisa, tudhaalihiisa xisbiga iyo kiisa Qaranka intaba.

Waxaa aanu aad iyo aad ugu mahad naqayna, sharaftayada u huwinaynaa, kaalintaasi uu mudnaanteeda iyo sharafteeda uu qaatay sidaasi darteed ayaanu maanta shirkaani jaraa’id u qabanay”

Leave a Reply