Mid ka mida Ganacsatada Garab-rarata Ah oo Soo Jeediyay Hirgelinta Tallaabo Amniga la Xidhiidha

0
797

Hargeysa (Dawan) Iimaan Haybe Cabdillaahi,  oo ka mida dadka ganacsatada ah ee Dhabar tukaanlayaasha ah ee magaalada dhexdeeda alaabaha la wareega ayaa dawladda u soo jeediyay in la ogaado tiradooda guud iyo waxaa ay ka ganacsadaan si looga hortago in waxyaabo sharciga ka baxsan ay iibiyaan, islamarkaana looga qaado cashuurta maalinlaha ah eek u waajibtay.

Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in ka warheynta tiradoodu ay qayb ka qaadanayso sugida nabadgeliyada lana ogaanayo hadba cida cidda ku soo biirta suuqa Garab-raratada.

Dhanka kale waxaa uu rajo weyn ka muujiyay ganacsigiisa oo uu ka bilaabay qadar lacageed oo aad u yar in uu meel fiican ka gaadho.

Iimaan Haybe Cabdillaahi,  oo ka mida dadka ganacsatada ah ee Dhabar tukaanlayaasha ah ee magaalada dhexdeeda alaabaha la wareega isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi .“Laba iyo toban xabbo oo xadhkaha dhagaha ah (Earphones) oo la iga siiyay shan dollar, qofkuna tallaabada uu qaado ee wixii shaqo ah la xidhiidha kuma qadayo, waxaa lagaba yaaba meherada kuwa furan maalintii in aan looba gelinba, oo anagu aanu ka suuq badana-nahayba, Dhabar Tukaanlaha hadii aanu nahay, Dhabar Tukaanluhu waa wax iska barakaysan sababto ah umadda ILLAAHEY oo dhan ayaad dhexgalaysaa, waxbaad ka iibinaysaa, ka meherada waxaa laga yaaba maanta dhan in uu iskaba fadhiyo, oo aanay ciddiba u soo gelin, anaga ILLAAHEY-ba noo nimceeyay oo meelkasta waxbaanu ka iibinaa”

Iimaan Haybe Cabdillaahi,  oo ka mida dadka ganacsatada ah ee Dhabar tukaanlayaasha ah ee magaalada dhexdeeda alaabaha la wareega ayaa dawladda u soo jeediyay in la ogaado tiradooda guud iyo waxaa ay ka ganacsadaan si looga hortago in waxyaabo sharciga ka baxsan ay iibiyaan, islamarkaana looga qaado cashuurta maalinlaha ah eek u waajibtay. “Wasaaradda maaliyadda dawladda hoose waxaa ay cashuurta Hooyaddi tamaadhada geedka hoostiisa la fadhiday cashuurta ayaa laga qaada Dhabar-tukaanlaha oo ka hanti badan sababta looga qaadi waayay, su’aasha ma is weydiisay dawladdu waa in dadka aan ka midka ahey ee garab raratada ah cashuur nalaga qaado, toban kun oo cashuura maanan waayine, waxaa aaan dhallinyarada ku dhiirigelinaya in hooyadii soo korisay aanay culeys saarin in wakhtiyadiisa furaaqada uu ka shaqeysto waddankiisa hooyo ee hodanka ah, kuuli galyaa, hawl kale qabayaa, alaabooyinka yaryarka ah la wareegyaa waxaan leeyahay shaqo ayaa sharaf leh.

Ta kale si loo sugo amniga dalka,  dadkan iska yaacaya ee Garab raratada ahi in ay tiro kooban yihiin oo la hayo tiradooda iyo xogtooda waxaa ay iibinayaan iyo waxaa ay qabanayaan intaba aad ayay mihiim u tahay dawladdana waa in ay ka war haysa kuna baraarugtaa”

Iimaan Haybe Cabdillaahi,  oo ka mida dadka ganacsatada ah ee Dhabar tukaanlayaasha ah ee magaalada dhexdeeda alaabaha la wareega ayaa dawladda u soo jeediyay in la ogaado tiradooda guud iyo waxaa ay ka ganacsadaan si looga hortago in waxyaabo sharciga ka baxsan ay iibiyaan, islamarkaana looga qaado cashuurta maalinlaha ah eek u waajibtay/xuquuqda Sawirka Wargeyska Dawan
Dhanka kale Aabo Iimaan Haybe Cabdullaahi, waxaa uu rajo weyn ka muujiyay ganacsigiisa oo uu ka bilaabay qadar lacageed oo aad u yar in uu meel fiican ka gaadho/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply