Somaliland: Oo la Daah-furay curinta Shuruucda dalka

0
617

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Cadaaladda Somaliland,  ayaa maanta furtay aqoon-isweydaarsi ku saabsan curinta shuruucda dalka.

Ujeeddada kulanku waa in la helo fahan guud oo la xidhiidha hannaanka samaynta iyo hal-abuuridda shuruucda.

Kulanka waxa ka soo qayb galay dhammaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ay khusayso curinta shuruucdu, sida wasaaradda xidhiidhka golayaasha,  baarlamaanka iyo arrimaha Dastuurka, xafiiska Xeer-Ilaalinta guud, xafiiska garyaqaanka guud, maxkamaddaha, ururka Qareennada Somaliland, ururka Qareennada haweenka iyo khubaro kale oo ku xeel-dheer samaynta shuruucda.

Kulanka waxa furay agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, waxaanu socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Leave a Reply