Waxay Maayar Ka Noqotay Xafiis Ay 5 Sano Nadiifiye Ka Ahayd! Doorashadii Naxdinta Abuurtay!

0
476

Gabadh nadiifiso ka ahayd dhismaha dowlada hoose oo magaalada Povalikhin  ee dalka  Ruushka ayaa ku guulaystay tartanka doorashada Maayarka magaaladaasi, ka dib markii ay la taranty mayarkii hore ee ay u nadiifin jirtay xafiiska.

Marina Udgodskaya ayaa guuleysatay jagadan ka dib markii ay heshay 62%,  codadkii la dhiibtay, waxaana ay si fudud uga adkaatay Maayarkii hore Mr.Nikolai Loktev, oo xulafo la ah isla markaana taageersanaa xisbiga madaxweyne Putin. Waxay ahayd qofka keliya ee doorashada kula tartamay mayarka hore ee magaalada Povalikhino, taas oo 525 kiilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Moscow.

Marina Udgodskaya, oo 35-sano jir ah ayaa hadda isu diyaarineysa in ay la wareegto maamulka xafiiskii ay mudo shano sano ah nadiifiyaha ka ahayd, ka dib guushaasi lama filaanka ahayd. Waxaana ay kala wareegi doontaa ninkii ay iyadu xafiiska u xaadhi jirtay.Nikolai Loktev gudoomiyaha xafiiska golaha deegaanka ee magaalada Povalikhin ayaa guul daradan lama filaan ah kala kulmay doorashadii dhacday Maalintii Arbacadii.

Ninkan ayaa nadiifisada isaga u shaqaynaysay ku qanciyay in ay la tartanto si ay u buuxiso shuruudda doorashada oo ahayd in magaalo kasta ay ku tartamaan laba musharax iyo wixii ka badan, maadaama aanay magaaladan  jirin qof kale oo isaga la tartamayay, waxaana uu doonayay inay u buuxiso keliya shuruudaha doorashada oo aan dhaceen haddii aanay iyadu musharax labaad noqon.

Waxa rabay in gabdhani ay doorashada qaab buuxin ah uga qayb gasho si isaga mar kale xilkaasi loogu soo doorto oo xafiiska uu madaxda ka ahaa dib ugu soo noqdo.

Nikolai Loktev, ayay ku dhacday arrin yaab iyo naxdin ku abuuray ka dib markii uu doorshadii codadkii hla dhiibtay ka helay 34%, waxaana  uu hada isu diyaarinayaa in uu xafiiska ku wareejiyo gabadhii 5 sano nadiifiyaha ka ahayd xafiiskiisa.

Sida uu daabacay war sidaha “independent.co.uk”  Gabadhan doorashada ku guulaystay ayaan iyadu samayn wax olole ah oo ka badana in magaceedu ku qoraa liiska musharax labaad ee la tartamaya Mayarka xilka haya, laakiin waxa codadka siiyay dadka degen magaalada oo ka soo horjeeday inuu mar kale soo noqdo kuna guulaysto doorashada maayarka hore Mr.Nikolia Lokyev Wareysi ay siisay gabadha la doortay Tv wararka ee Podyom doorashada ka dib, waxa ay tidhi: “Maan filayn in la I doorto , waayo anigu waxba maan abaabulin mana u gelin dadaal iyo juhdi badan”.

Leave a Reply