Wargeyska Caalamiga Ah ee The Economist oo Warbixin ka Qoray Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan

0
728

Hargeysa (Dawan) — Wargeyska caalamiga ah ee The Economist ayaa shalay qormo ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Wargeyska, ayaa wuxuu warbixintiisa ku soo daray wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aanu magacaabin oo u qirtay inuu safarada ku galo baasaaboorkiisa labaad oo ah dalka Ingiriiska.

Warbixinta The economist oo uu wargeysku soo turjumay ayaa u qornayd sidan: “Midkood waa mid yar, oo si cajiib ah u guulaysty oo ah dal dimoqraadi ah kaas oo uu u cago-jugleeyo deris ka wayn oo keligiitalis ah oo u haysta inay ka mid tahay geyigooda. Ka kale waa Taiwan. 9kii September Somaliland oo ah jamhuriyad gooni u taagan oo dhacda woqooyiga Somaliya, ayaa ka furatay “xafiis wakiil” Taipei, caasimadda Taiwan.

Waxa ay daba socotay Taiwan oo bishii August si la mid ah uga furatay xafiisa Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Is-waydaarsiga xidhiidhada diblomaasiyadeed waa u af-genbi Somaliland oo ku dhawaaqday madax-banani sanadkii 1991, kadib markii uu dhacay keligiitaliyihii u danbeeyey ee Somaliya, Siyaad Barre.

Si la mid ah Taiwan, magaca mooyee waa dal buuxa.

Waxa ay leedahay dawlad, ciidan iyo xuduudo.

Waxa ay qabataa doorashooyin oo si ka duwan Somaliya waxa inta badan 30 kii sanadood ee u danbeeyey ay ahayd mid nabad ah. Waxa ay leedahay baasaboorro.

Sidaas oo ay tahay, hadana Somaliland halgan ayay u gashay inay aqoonsi hesho.

Wax ku dhow laba iyo toban dal ayaa aqoonsan basaboorkeeda (wasiir dawladda ka tirsan oo haysta jinsiyadda Ingiriiska [iyo ta Somaliland] ayaa qirtay inaanu isticmaallin baasaboorka Somaliland; waa ka fudud tahay marka uu isticmaalo baasaboorka uu siiyay Xafiiska Baasaboorada ee Boqortooyada).

Ma jirto cid u aqoonsan inay tahay dal madax-banaan, islamarkaana kursi kuma laha Qaramada Midoobay.

Muqdisho, caasimadda qaraxyada ee Somaliya, diblomaasiyiinta joogaa si joogta ah ayay iskaga indho tiraan jiritaanka Somaliland si aanay uga xanaajin siyaasiyiinta maxalliga ah ee muranka badan ee u haysta inay ka mid tahay (Somaliland) dalkooda.

Sida uu sheegay Liibaaan Yuusuf Cismaan, wasiir ku-xigeenka arimaha dibadda ee Somaliland, Taiwan waxa ay u noqon karta dalkiisa is-bahaysi qiimo badan, “Taiwan…waxa ay gaadhay horumar dhaqaale oo aanu ka faa’iidaysan karno,”Ayuu yidhi.

Waxa uu tilmaamay in dhakhaatiirta Somaliland mudo toban sanadood ka badan lagu tabobarayay Taiwan, iyaga oo ku socdaala baasabooradooda Somaliland.

Waxa uu ku rajo wayn yahay in xidhiidhada rasmiga ahi ay keeni karaan faa’iidooyin dheeraad ah. Berbera, magaalada boodhka badan ee ah magaaalada labaad ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan, shirkadda reer Imaaraad ee D.P.World ayaa ka dhisaysa dekad aad u wayn oo cusub.

Mudane, Cismaan wuxuu rajo ku qabaa in shirkadaha Taiwan inay halkaas (xafiisyo) ka furtaan sidoo kale, si ay u horumariyaan shidaalka iyo macdan qodista.

Haseyeesheee, waa siyaasadda juquraafiyadeed ta dabada ka riixaysa xidhiidhka ee maaha dhaqaalaha.

Tobonaan sanadood ka hor, Taiwan waxa ay la lahayd xidhiidho diblomaasiyadeed xoogaa dalal ah oo ka tirsan qaaradda oo ay ka mid ahaayeen Koonfur Afrika, markii [dawlada] midab takoorka ah ka jirtay.

Deymo iyo mashaariic caawimo ah ayaa ka gacan siiyay Taiwan inay xidhiidh la yeelato dalalka faqiirka ah ee sida Niger, Burkina Faso iyo Gambia.

Balse Shiinuhu wuxuu ku adkaystay in dalalku kala doortaan inay xidhiidh la yeeshaan Bejing ama Taipei, midkood.

Markii dhaqaalihiisu koray, dalalkaasi waxa ay u wareegeen inay aqoonsadaan Shiinaha.

Tan iyo sanadkii 2018, Eswatini (oo ah boqortooyo aad u yar oo berigii hore loo yiqiinay Swaziland) ayaa ahayd dalka keliya ee Afrika saaxiib kala sii ah Taiwan. Hada waxa ay hasataa laba.”

Leave a Reply