Golaha Guurtida oo Warbixino ka Dhageystay Guddiyo Qaar ka Mid Ah Guddi Hoosaadyadda Golahaas

0
468

Hargeysa (Dawan)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixino ka dhageystay guddi hoosaadyada siyaasadda arrimaha dibadda iyo arrimaha bulshada ee golahaasi.

Fadhigaas oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali, waxa mudanayaasha warbixin ka horjeediyey xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indhi Indho), guddoomiyaha guddida siyaasadda arrimaha dibadda ee golahaas oo sharaxaad ka bixiyay wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in wada hadaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti ay ka bexeen Soomaaliya.

Waxaa uu xildhibaanku sheegay in Somaliland ay ku garnaqsanayso beesha caalamka horteeda oo loo baahan yahay in wasaaradda arrimaha dibaddu hor dhigto wadamadii ka soo qayb galay shirkii Jabuuti iyo Beesha caalamka sida aanay Soomaaliya daacadda uga ahayn wada hadalo midhadhal ah oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddida Siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa golaha u soo jeediyey in la xoojiyo gudidda arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Somaliland, waxaanay xukuumadda u soo jeediyeen in la mideeyo xuduudaha Somaliland ee Dhulka, Badda iyo Hawadda, iyaga oo xukuumadda Somaliland ugu baaqay guddidu in sida ugu dhakhsaha badan loo soo iibiyo qalabka maamulka Hawda si looga hortago xadgudub lagu sameeyo Hawda Somaliland.

Geesta kale, xildhibaan Axmed Daahir Jirde, guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ayaa ka warbixiyay kormeer ay ku soo mareen xarunta guddida qandaraasyadda Qaranka iyo Hay’adda dhawrista Tayada, oo uu sheegay in ay u soo bandhigeen baahiyahooda iyo adeegyada ay qaranka u qabtaan.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply