Somaliland: Booliska oo Qabtay Rag Xifdisan Qur’aanka oo Faafinayey Diinta Kiristaanka

0
590

Hargeysa (Dawan) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa Gacanta ku soo dhigay Laba Qof oo dalka gudihiisa ku faafinayey Diinta Kiristaanka.

Taliyaha Ciidammada Dambi-baadhista Somaliland, ahna Afhayeenka Booliska Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in Ragga ay qabteen yihiin kuwo hore Muslim u ahaa, balse Diinta ka baxay.

“Toddobaadkii la soo dhaafay Ciidanku waxay qabteen laba Qof oo ah Murtadiin Diinta Islaamka ka baxay, haddana ah Daaciyiin Diinta Kiristaanka faafinayey, ninku wuxuu korka ka hayaa Qur’aanka iyo Fiqigaba..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Labadaa Qof waxaanu ku dacwaynay Murtadiin iyo Daaciyiin.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Cid kasta oo is tidhaahda Diinta Kiristaanka ku faafi in aanay Ciidanka Booliska ka baxsanayn, dalkana aan lagu faafin karin Diinta Kiristaanka..”

Leave a Reply