Hargeysa: Arday howl uu isu xilqaamay ku mutaystay Abaal marin Qaran

0
450

“shaqo kasta oo aad qabato waxaad kala kulmaysaa caqabad, laakiinse howshan wax kasta oo aan kala kulmaa waxa ay ii noqotaa..”Mukhtaar Maxamuud
Qore. Saleebaan Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Kaddib, todobaad uu xilliga duhurkii ka shaqaynayey waddo mashquul badan oo ay gaddiidku saxmad ku galaan wakhtiyada shaqada, isagoo kala hagayey baabuurta oo buuxiyey shaqada Ciidanka nabad-gelyada Waddooyinka, Mukhtaar Maxamuud Xasan waxa uu helay abaal marin aanu filayn oo qarankiisu siiyey.
Mukhtaar oo ah Arday dhigta fasalka 3aad ee dugsiga sare, ayaa uu isu xilqaamay in marka uu dugsiga ka soo rawaxo isagoo dirayska xidhan istaago isgoyska Saldhiga Ibraahim Kood-buur, halkaasoo uu ka noqdo Askari kala haga Baabuurta iyo Dadka, waxaanu todobaadkii hore ka soo muuqday muuqaal baraha bulshada aad loogu faafiyey oo lagaga qaaday waraysi uu kaga waramay sababta ku keliftay howshan iyo higsigiisa Mustaqbalka.
Saxmadda Gaadiidka iyo dadka ee caasimada Hargeysa, waa mid marba marka ka sii dambeysa sii xoogaysanaysa, iyadoo ay aad u kooban yihiin goobaha ay Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinku ka shaqeeyaan, taasoo sababta in dadka qaar ay si’ mutawacnimo ah u kala haggaan gaadiidka, marka ay meelaha cidhiidhiga ah isku xanibaan.
Hase yeeshee, Mukhtar wuxuu sheegay in uu shaqadan u bilaabay si uu naftiisa ugu carbiyo ka shaqaynta danta guud, waxaanu muujiyey in uu u jeel qabo in uu isagoo da’yar qarankiisa u adeeggo.
“Shaqadan waxa igu kelifay markaan arkay saxmada ka jirta markaan ka talaabayo, ayaan dareemay in loo baahan yahay in la kala hago, maadaama aan ahay ubaxii dalka u kacayey mihiim maaha markaan jaamacad dhameeyo in aan shaqo qabto, laakiinse anigoo waxbarashaddayda dhiganaya in aan si mutawacnimo ah waddankayga wax ugu qabto ayaan jeclaaday”ayuu yidhi Mukhtaar.
“Muddo afar maalmood ah ayaan halkan ka shaqaynayey” ayuu raaciyey “dadka qaarba waa si oo way i ixtiraamaan”ayuu yidhi isagoo ka hadlayey caqabadaha uu kala kulmay shaqadan.
Mukhtar isagoo dirayska waxbarashada ku lebisan, waxa uu Gawaadhida ugu gacan haadiyaa si’ xirfad iyo masuuliyadi ka muuqato. Siidhiga uu shaqada u isticmaalo isagaa iibsaday “shaqo kasta oo aad qabato waxaad kala kulmaysaa caqabad, laakiinse howshan wax kasta oo aan kala kulmaa waxa ay ii noqotaa dhiiri-gelin”ayuu mar kale sheegay.
“maalin walba waxaan shaqada ka baxaa marka ay saxmadu dhamaato, markaasaan qado tagaa”ayuu u sheegay wariyaha waraystay.
Mukhtar oo wax laga waydiiyey farriinta uu u dirayo Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka, waxa laga filli lahaa in uu dhaliilo, hase yeeshee waxa uu taas bedelkeeda talo canaan huwan u diray bulshada “Aniga farriintaydu waxa ay khusaysaa bulshada oo aan leeyahay bulshadu yaanay noqon mid sugta inta ay dawladdu wax u qabanayso, balse waa in ay noqoto mid iskeed isu abaabusha”ayuu mukhtaar kaga jawaabay su’aal fal-celinta uu ka bixiyey ka miisaan culus tahay isaga iyo qayrkii.
Xukuumadda Somaliland, ayaa Mukhtaar ugu abaal-guday deeq waxbarasho oo ilaa heer jaamacaddeed gaadhsiisan, iyadoo muddada uga dhiman waxbarashada dugsiga sare uu fiiga ka bixin doono Xafiiska Shaqo-qaran, waxaana sidaasi ugu bushaareeyey Agaasimaha Xafiiska Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka oo isla goobtii uu ka shaqaynayey kula kulmay Mukhtaar.
Agaasimaha Xafiiska Shaqo qaran oo wiilkan Ardayga ah ku bogaadiyey sida uu isu xilqaamay iyo kartida ka muuqata, ayaa balan qaaday in uu deeq waxbarasho oo Jaamacaddeed qaranka uga dooni doono marka uu dhameeyo dugsiga sare. “Mukhtaaroow waxa kale oo aan kuu balanqaadayaa marka aad jaamacada dhamayso in aad kamid noqon doonto Ardayda loo qaato shaqo qaran, halkana waxa la keeni doonaa Ciidan taraafik ah oo ka shaqeeya”ayuu u sheegay Maxamed Xuseen.
Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar ayaa diwaanka qof qaran ku galay todobaadkan tacab uu maalmo kooban iyadoon cidi diran dalkiisa u qabtay, waxaanay shaqada uu abaal-marintaasi ku helay marka la barbar dhigo da’diisa ina tusinaysaa in ay ka miisaan culus tahay, balse dad badan oo waayeel iyo wax-aqoon sheegtaana aanay ku dhiiran amma ay iskala han-weynaadaan.

Leave a Reply