Haweenka oo qoondo goboleed laga siiyey Golaha dhexe ee Kulmiye

0
418

Shirweynaha Afaraad ee Xisbiga kulmiye oo galay maalintii labaad, ayaa waxa lagu ansixiyey wax kabedel iyo Kaabis lagu sameeyey Xeerka.
Ergooyinka Shirka ka qaybgalay, ayaa dood ka yeeshay qodobada ajandaha Shirka ee dhinacyada Xeerka iyo dhismaha Golaha dhexe.
Dood iyo falanqeyn kaddib, waxa ay Ergadu u codeeyeen in tirada xubnaha Golaha dhexe sidoodii lagu daayo oo aan waxba laga bedelin, taasoo dhan 241 xubnood oo ka imanaya Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.
Xubnaha ka imanaya Gobolada ayaa Haweenku gobol kasta ku yeelan doonaan qoondo 20%.
Sidoo kale, waxa Shirweynuhu isbedel ku sameeyey qaabka uu ku imanayo xoghayaha guud ee xisbiga oo markii hore kamid noqon jiray hogaanka Xisbiga, hase yeeshee hadda ku imanaya hab magacaabis ah.
shirka oo ay ka qaybgaleen in ka badan kun iyo laba boqol oo Ergay, ayaa maalinta beri ah la soo gabagabayn doonaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Xisbiga, ayaa hadal uu ka jeediyey kulanka maanta, uga mahad celiyey bahweynta xisbigiisa doorashada mar kale loogu taageeray guddoomiyenimada xisbiga.

Leave a Reply