Tuugii Go’a Sariirtaa Xaday!

0
1156

Odayga  farashaxanka caanka ah noqday qarinigii 20aad ee lagu magacaabi jiray Pablo Ruiz Picasso kuna dhashay dalka Spein sanadkii 1925 ayay  Maalin gurigiisa ku soo noqday waxaana uu arkay iyadoo alaabtiisa u taalay ay wada jabjaban tahay waxaana u muuqatay in guriga tuug usoo dhacay.

Markii uu alaabtii wada eegay iyo waxa ka maqan Mr. Picasso aad ayuu u cadhooday ka dib markii uu ogaaday in tuugtu wax keliya ee ay xadeen tahay go’ii sariirta ugu goglaana.

Saaxiibkii oo la joogay aya weydiiyay waxa weyn ee ay tuugtu qaaten? Waxaana uu u sheegay go’ii, laakiin saaxiibkii ayaa ku celiyay hadda maxaad ilaa xadkan la cadhootay?

Waxaana uu ugu jawaabay “ Waxaan ka cadhaysanahay in Nacasyadaasi aanay waxba ka xadin farshaxankaygii”. Hadday tuugba yihiin maxay u baran waayeen qiimaha farashaxankayga taasi ayaa wax tari lahayd. Waxaana uu intaasi ku daray tuuga jaahilka ah ayaa ah kan ugu nacasnimada badan. Farashaxankiisa ayaa ahaa kuwo aad qaali u ah oo qiima sare ka joogay dalka wakhtiga tuugtu gurigiisa usoo dhacaday. Picasso wuxu dhintay sanadkii 1973.

Leave a Reply