Shoodhka Iyo Qarax Jidhka Aadamiga! (Spontaneous Human Combustion)

0
574

Muddo ka badan qarni, ayaa la sheegayay in dadku si lama filaan ah oo aan macquul ahayn u qarxi karaan isla markaana u dab ugu holci karo.

Arintan ayaa loo yaqaan “Gubashada dabiiciga ah ee jidhka Aadamiga” (SHC),waxa laga qoray buugaag badan oo caan ah.

 

Maaha arrin yaab leh inuu qofku u dhinto isagoo dab jidhkiisa ka kacay ololiyo oo uu sidaa ku besbeelo oo  dambas ku noqdo. Waxase laga yabaa in aanad rumaysan in qof  u dhinto isagoo iskii u  qarxay oo dab isaga ka dhashay iyo shoodh jidhkiisu sameeyay u dhinto.

Waa run.. Haa sidaasi ayay wakhtiyo badan ugu wareereen culimada aqoonta aadamiga iyo noolaha sida gaarka ah u bartay (Biology) . Waxana dhici karta in aanad hore u maqal arinkan laakiin waa arrin dhab ahaan la arkay.

Marar qaarkood waxa dhacday  in dadka qaarkood shoodh u sameeyay jidhkoodu dab ka kacay oo u gubtay isagoo daawanaya telefishinka oo weliba si amaan ah u fadhiya , isla markaana aan filayn inuu dab ka dhasho jidhkiisa.

Dadkaasi  intooda badani sidaasi ayay ku dhintaan oo dambas ku noqdaan muddo yar oo ilbidhiqsiyo oo aan laga gaadhsiin Karin xataa bakhtiin, maxaa yeelay dabka ayaa ka dhashay gudaha hoose ee  jidhkiisa, waxaana isla markiiba u baabiiya xubnaha muhiimka ah gudaha jidhka ku jira.

Waxay noqotay mid amankaag ku riday culimada muddo dheer,  waxaana lagu magcaaba Spontaneous Human Combustion  ( Gubashada lama filaanka ah ee jidhka Aadamiga).

Haddana waxaynu ku suganahay gudaha hogaga ku yaal buuralayda dalka Peru ee Gobolka Pasco , waxaana goobta jooga laba ka mid Aqoonyahanda Dalka Spain ee baadha aasaarta qadiimka ah, kana wada baadhista aasaartii xadaaraddii Alanka ee fogayd.

Culimada ayaan arinkaasi rumaysan ilaa muddo dhawayd oo ku wareertay sababta uu qofku u qarxayo ama shoodh jidhkiisa uga baxayo  iyo  waxa keenaya.

Inuu qofka jidhkiisu dab ka kaco iyadoo aanay jirin waxa sabab ah oo debedda kaga yimi ama dharkiisa oo dab qabsaday, kaasi oo ka dhigaya dambas ayay ahayd hal xidhaale.

Ilaa haddana waxa diiwaanka lagu qoray 300 dhacdo oo iyagu iskood u gubtay kuwaasi oo qaarkoodna ay ahaayeen taariikho hore kuwana ay yihiin kuwo dhacay sebenadan danbe.

Sanadkii 1637 ayuu qoraaga Faransiiska ah ee Yunas Dobunat uu ku qoray Buuga uu kaga waramay qaraxa qofka ee iskii u dhaca isagoo soo qaatay qisada gabadh Niecol Mielit oo caasimadda Faransiiska Bariis dab ku qabsaday iyadoo aanay jirin mid debeda kaga yimi, iyadoo halkaasi ku dhimatay.

Waxay ahayd gabadh aad khamriga u cabi jirtay waxa keliya ee ka hadhay ayaa noqday lafaheedii oo hurushoobay iyadoo jidhkeeduna uu noqday dambas.

Sanadkii 1919 ayaa maydka hal abuurihii caanka ahaa ee Ingiriiska Tapmel Tomson uu gubtay jidhkiisu iyadoo aanay wax sabab dab ah oo debedda kaga yimi jirin.  Gabadha Ingriiska ah ee Geires Peit  ayaa iyana gubatay oo dambas noqotay iyadoo wakhtiga dabkaasi qabsaday aanu waxba yeelin dharkeeda.

Sanadkii 1938 waxa mar keliya gubatay Mary Karbenter  iyadoo besbeeshay muddo ilbidhiqsiyo ah gudahood, wakhtigaasna ninkeeda iyo caruurteeda ayay kula dalxiisaysay xeebta badda. Ninkeeda iyo caruurteeda ayaa ku guulaysan waayay inay ku bakhtiiyaan biyaha badda.

Sanadkii 1958  waxa laga soo saaray qolkii ay ku jirtay hadhaagii maydkii  islaantii lagu magacaabi jiray Anna Martin gobolka Biinsolfeniya ee Maraykanka , iyadoo dharkeedii aanay gaadhin wax gubasho. Wakhtigaasi ayaa baadhis lagu sameeyay hadhaaga maydkaasi. Dhakhaatiirta ayaa cadeeyay in heer kulka jidhkeedu uu gaadhay 1700-2000m , taasi oo sababtay in jidhkeedu dambas noqdo. Waxaana sababaya aya yidhaahdeen iyadoo uu qofka naftu ka bixi weydo inkasta oo xumaadiisu ay dhaafto heerkii caadiga ah, taasi oo keenaysa mar ka danbe in olol hoosta jidhkiisa ka kaco.

Sanadkii 1966 Jhon Pentali oo 92 jir ayaa xamaamka qolkiisa ku gubtay isagoo ay ka hadheen keliya dhudhumada gacmaha oo keliya.  Bishii 26 August Sanadkii  1974 ayaa laga soo saaray hadhaagii dambaska ahaa ee gabadh yar ee Leisa dhakhtarka Brimigham ee Ingriiska , iyadoo aanay jirin sabab keentay gubashadaasi ama wax asiibay sariirteeda ama dharkeeda.

Arimaha ugu caansan waxa ka mid ah markii Saynis  yahankii caanka ah ee Maraykanka u dhashay Harol iyo dad badan oo kale ay hortooda gabadhi ugu gubtay dab ka kacay jidhkeeda  iyadoo muddo ilbidhiqsiyo ah ku noqotay dambas.

Saynis yahankaasi ayaa wakhtigaasi keeni kari waayay jawaabta mucjisada qabsatay ee uu xaadirka u ahaa.

Sanadkii 1990 gabadh lagu magaacaabi jiray Susan oo Ingriiska u dhalatay ayaa iyana loo diiwaan geliyay gubashada shoodhka dabka qofku leeyahay keeno.

Ariimaha ayaan wax  keenaya si cad loo fahmin laakiin waxa jira sababo dhowr ah oo ay dhakhaatiirtu soo bandhigeen kuwaasi oo kala ah :

Waayadii dhexe wadaadii Kiniisadda ayaa gubashadan  ku fasiray inay tahay qofka oo denbigiisu gaadhayo meel aad u saraysa, madaama uu si aan kala go’ lahayn ugu jiro dunuubta mukkhaadaraadka, sinada, dilka iyo dhaca.

Waxaana uu kaasi xaq u leeyahay inuu gubato oo jidhkiisu holco. Waxaana ay dadka u sheegi jireen inay tahay Naar samada kaga soo dhacaysa oo aan la arkayn ay sidaan Jiman iyo Rooxaan xanaaqsan.

Inkastoo ay aqbleen dadku wakhtigaasi waayo sebenkaasi dadka ayaa aad u aaminsana Kiniisidda, laakiin haddana dadka badankiisu arinkaasi kuma ay qancin. Wadaadad Kiniisadda ayaa iyaguna sidaasi u gubi jiray qofka ay u arkaan in uu denbi galay.

Baadhayaasha Cilimga Aadamiguna may saarin fasiraada ka badan in arinkan ay keenayso Xumadda qofka oo dhaafaysa heerkii caadiga, iyadoo haddana aanay qofka naftu ka bixin, taasi oo qarax iyo holaca jidhka sababaysa marka danbe.

 

 

Leave a Reply