Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIIYE oo la Ansixiyay

0
740

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha shirguddoonka Shirka Cabdikariim Axmed Muxumed (Xinif) oo ka hadlay shirka, ayaa sheegay in shirka maanta lagu ansixinayo xubnaha Golaha dhexe.

Guddoomiye Xinif waxa uu intaasi ku daray in aan wakhti loo hayn in la yeedhiyo dhammaan magacyada 234 xubnood oo golaha dhexe ah oo loo gudbiyey Shirguddoonka, waxaanu xusay in wixi cabasho in dib laga soo saxayo illaa sabtida.

234 xubnood ee Golaha Dhexe in la ansixiyo, ayuu soo jeediyeen Shirguddoonka Shirweynaha, waxaana ogolaaday 741 xubnood, waxa diiday 54, waxaana ka aamusay 11.

Sidaas ayaana lagu ansixiyey Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye yeelan doono.

Leave a Reply