Dawlad Hoose ee Degmada Wajaale oo Gubtay Badeecad Dhacaysay

0
618

Wajaale (Dawan) Guddoomiyaha degmadda Togwajaale, Cabdiraxmaan Yuusuf, ayaa sheegay in ay bilaabeen u kuurgalka raashinka iyo sharaabyada lagu iibiyo magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay raashin iyo sharaab dhicitaankooda wax yari ka hadhsan yahay, oo lagu wareejiyay islamarkaana ay gubeen, waxaanu ku ammaanay ganacsadihii ku wareejiyay isaga guddoomiyuhu u soo jeediyay ganacsatada kale in ay alaabta taariikhdoodu dhawdahay ama dhacday in ay ku soo wareejiyaan dawlada hoose, islamarkaana la shaqeeyaan si loo illaaliyo badqabka bulshada.

Guddoomiyuhu waxaa uu intaas ku daray in ay shaqo geliyeen waaxda fayo-dhawrka dawlada hoose ee degmada Wajaale, loona baahan yahay in ganacsatadu gacan ka siiyaan hawlahooda baadhitaan.

Gudoomiyaha oo ka hadlay raashin iyo badeecad dhacaysay oo ay gudbeen shalay waxaa uu yidhi “Maanta (Shalay) ganacsadaha alaabtan leh ayaa  nagu soo wareejiyey, islamarkaana dawlada hoose ayaa  ka soo qaaday taariikhdiisa waxaa ka hadhsan shan cisho,  wax ganaaxa ma leh wax lacaga laga qaadi maayo, dawladda hoose ayaa ku shaqo leh, sidaasi si le’eg ganacsatada Wajaale waxaan leeyahay  alaabtiina marka muddo yari u hadhsan tahay soo sheega, wax lacaga oo lagaa qaadayaa ama ganaax ahi ma jiro, dawlada hoose ayaa la wareegaysa, iyada ayaa hawsheeda leh, waaxda arrimaha bulshada ayaanu ku wareejinaynaa.

Imika muddo laga joogo bil waxaa aanu dardargelinay shaqadeeda waaxda faya-dhawrka dawlada hoose, qaybtaasi oo shaqeynaysa, waxaa aanu ganacsatada iyo cidkasta oo ay ka dalbadaan in ay hubbiyaan in ay bakhaaradooda baadhaan aanu ka codsanaynaa in  ay u furaan, si loo eego alaabta iyo wakhtiga u hadhsan, innaga oo ilaalinayna, faya-dhawrka iyo badqabka bulshadeena”

Leave a Reply