Maxaa ku cusbaa Shirweynaha Afraad ee KULMIYE?

0
752

Hargeysa (Dawan) Waxyaabihii ku cusba shirweynaha afraad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa waxaa  kow ka ahaa ka qayb galka weftiyo kala duwan oo ka socday dalalka deriska, gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, iyada oo dalka Itoobi uu ka socday wefti heer xisbi iyo heer wasiir ah, halka uu dalka Jabuutina uu ka socday wefti shirka ka qayb galay.

Ka qayb galayaasha  shiweynaha xisbiga KULMIYE oo isugu jiray  Ergooyin,  marti sharafta, warbaahinta, iyo hawl waddeenada xisbiga KULMIYE oo dhammaantood laga baadhay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, waxaana heegan ahaa hawl wadeeno caafimaad oo hubinayay badqabka caafimaad ee dadka gelayay hoolka uu ka socday shirweynaha afraad ee xisbiga KULMIYE.

Guud ahaan saddexda maalmood ee shirku socday ayuu jawigiisu ahaa mid ay habsami ay u daadihinayeen xubnaha shirguddoonku laguna hagayay hannaan Dimuquraadi ah oo waafaqsan xeerka xisbiga iyo shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirweynaha afraad ee xisbiga KULMIYE ayaa lagu ansixiyay kuraastii ugu badneyd ee haween ku yeeshaan golaha dhexe ee xisbiyada Qaranka, iyada oo xisbiga KULMIEYE shirweynihiisa afraad ku ansixiyay in gobol kasta haweenku yeeshaan boqolkiiba labaatan xubnaha golaha dhexe (20%).

Sidoo kale, waxa Shirweynuhu isbedel ku sameeyey qaabka uu ku imanayo xoghayaha guud ee xisbiga oo markii hore kamid noqon jiray hoggaanka Xisbiga, hase yeeshee hadda ku imanaya hab magacaabis ah.

Waana shirweynihii xisbi Qaran ee ugu horreeyay ee xubno isu tanaasulay ay ka wada qayb galeen shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE,ayay isu tanaasuleen Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Somaliland Maxamuud Maxamed Xasan Saajin iyadoo Madaxweyne ku xigeenku uu ballan qaaday in uu dhisi doono wasiirka uu u tanaasulay.

 

Leave a Reply