Muuqaalkii Telefishinka Ee lagu Wareeray!

0
434

Dadka degan jasiiradda Gozo oo ka mid ah jasiiradaha uu ka kooban tahay Jamhuuriyadda Malta oo ku taalla bada cad (Mediterranean Sea) ee koonfurta Talyaaniga ayaa sanadkii 1958 isugu soo baxay badhtamaha magaalada Gozo si ay u daawadaan Telefishankii ugu horeeyay oo lagu rakibay badhtamaha magaalada.

Dadkaa magaalada degenaa oo aad ula yaabana muuqaalk,a TV iyo dadkan ka soo dhex baxaya muraaydan hortooda taalla ee weliba haddana dhaqaaqa iyo hadalka samaynaya ayaan rumaysan oo u arkay in  ay yihiin dad la sixray.

Waxaana ay u qaateen in arikani yahay mid indhahooda la sixray. Dadka daawaday ayaan rumaysan wixii ay arkayeen, waxase iyaga ka sii yaab badnaa dadkii aan iman ee ay u sheegeen, kuwaas oo iyana aaminay in dadka daawanayay ee wax u sheegayaa ay ahaayeen kuwo sixran.

Waxa kale oo iyana dhacday in dadka badankoodu ay rumaysteen in dadka Telefishanka keenay ay yihiin dad jimanka la saaxiib ah oo adeegsanaya. Sidaasi ayay dadku wixii ku cusub marka hore maskaxdooda ay ku adag tahay in laga dhaadhiciyo waxtarkiisa.

Leave a Reply