Xabad-joojin Ay Ku HWadamadda Armenia Iyo Azerbaijan Oo Dhaqan Gashay Goor Dhawayd

0
479
Moscow (Dawan)- Xabad-joojin ay ku heshiiyeen Armenia iyo Azerbaijan ayaa dhaqan gashay goor dhawayd, taas oo lagu soo afjaraayo ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal culus uu ka socday gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

 
Saraakiisha gobolka lagu muransan yahay iyo ciidamada Azerbaijan ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu gantaalo ku garaacay goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah subaxnimadii Sabtida, waxyar ka hor inta aanay bilaaban xabad joojintani.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kaddib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
 
Wasiirka ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah.
 
In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay halka kumanaanna ay guryahoodii ka barakeceen tan iyo markii ay bilaabatay shaqaaqadii ugu dambeeysay ee 27-kii bishii Sebteembar.
Sagal Filibiin
Dawannews Hargeysa Office

Leave a Reply