Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Ka Qayb Galay Xaflada Qalin Jabinta Dufcaddii 19-aad ee Jaamacada Camuud

0
556

Borama (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qayb galay xaflada Qalin Jabinta Dufcaddii 19-aad ee Jaamacada Camuud, sidoo kale madaxweyne Biixi ayaa xadhiga ka jaray Biriijka cusub ee laga dhisay magaalada Boorama.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey munaasibada ayaa sheegay in loo baahan yahay wakhtigeediina la joogi in la qabto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo uu xusay in ay muhiim tahay qabashadoodu, maadama oo ay muddo dhaaf yihiin.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo tilmaamay in wixii qabyo ah ee jirta la dhamaystiri doono oo la geli doono marka la helo Goleyaal la soo doortay, laakiin inta ka horreysa doorashada qabsoomideeda ay ka shaqayn doonaan.

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply