Xabsi Lagu Xidho Dad Aan Denbi Gelin!

0
1009

dalka Hinidiya, magaalada lagu magacaabo Sandaredy ayaa  xabsig dhexe ee ku yaalla oo gumsyatihii Ingiriisku dhisay  wakhtigan u sheqeeya si yaab badan.  Jeelkan ayaa dadka u xiisooda in la  xidho ay soo codsadaan inay iska dhigaan maxaabiis.

Maxbuuska kasta oo jeelka codsada in lagu xidho waxa laga qaada 24 saacood lacag dhan 7.5 Doller, waxaana u sexeexa warqad ah in loola dhaqmayo sida maxbuuska inta uu ku jiro jeelkan.

Xabsigan oo ay joogaan askartii ilaalada ahayd ayaa dadkaasi la soo xidho ula dhaqama sida maxaabiis caadi ah iyagoo u geliya dirayska cad ee maxaabiista, islamarkaana ku sheqeeya oo alaabooyinka jeelku u baahdo ku xamaala maxaabiista iyagoo gawaadhida saara.  Raashinka la siiyaan waa kan maxaabiista caadiga ee maxaabiista kaasi oo lagu kariyo jeelka dhexdiisa.

Wakhtiga raashinka waxay saf u galaan madbakh. Dadka is xidha ayaa waxa ka mid ah dadka hanti leh oo qoysaskooda ka codsada inay jeelkan ku soo booqdaan, iyagoo u arkaya inuu xidhan yahay oo naxariis u muujinaya. Waana dad noloshu ka marin habowday oo ku  jira wareer iyo werwer joogto ah oo raaxo ka raadinaya nolosha xabsiga ee hosaysa. ( Wargeys. Lawada)

Leave a Reply