Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Ergeyga Midawga Yurub

0
417

Hargeysa, (Dawan) –Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez.

 

Kulankan oo ka dhacay Wasaaradda  Isgaadhsiinta ayaa waxa ka soo qaybgalay Ergeyga gaarka ah ee EU-da ee Somaliland iyo Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez, wasiirka wasaaradda Dr. Abdiweli Abdillahi Suufi, Agaasimaha Guud Eng. Cali Cabdillahi Daahir, Agaasiimaha E-Government-ka Mustafe Daa’uud iyo La-Taliyaha Wasiirka Liban A. Cashuur.

 

Ambassador Nicolas ayaa sheegay in EU-du ka taageeri doonto wasaaradda hirgalinta mashaariicda Teknoolojiyadda, qorshaha shanta sanno ee E-Government-ga iyo sidii guud ahaan kor loogu qaadi lahaa horumarinta Teknoolojiyadda ee Somaliland isaga oo sidoo kale sheegay in ay la dhacsan yihiin Qorshaha shanta sanno ee E-Government-ka ee ay wasaaraddu diyaarisay.

 

Wasiirka wasaaradda ayaa isna dhankiisa uga mahad celiyay Ambasaddorka iyo EU-da sida ay markasta garab taagan yihiin guud ahaan Somaliland iyo Wasaaraddaba.

 

Ugu danbayn Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa teknoolojiyyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland u noqon layahd hormoodka teknoolojiyadda Geeska Afirca.

Leave a Reply