Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Ciyaaraha oo ka wadahadlay Koobka Gobollada Dalka

0
535

Hargeysa-(Dawan)-Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Warfaafinta iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta ku yeeshay kulan ku saabasan tartanka ciyaaraha gobollada ee dhawaan ka qabsoomi doona caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Kulankaas oo ay agaasimeyaasha guud ee wasaaradahaasi ay ku wehelinayeen agaasimaha waaxda telefishanka qaranka, farsamada waaxda ee warfaafint, agaasimaha waaxda qorsheynta iyo agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda ciyaaraha iyo xubno kale.

 

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, oo faahfaahin ka bixiyey kulankaas iyo waxa uu daaranaa, isaga oo sheegay in ay labada wasaaradood iska kaashanayaan sidi loo tabin lahaa tartanka ciyaaraha gobollada isla markaana ay wasaaradda warfaafintu doorkeeda uga qaadan lahayd tabinta tooska ah ee ciyaaraaha.

 

Waxa kale, oo uu agaasiaha guud  ee warfaafintu intaas ku daray iyada oo laga faa’iidaysanayo caqabadihii hore ee dhanka farsamada ahaa ee soo waajahay tabinta ciyaarha ay qorsheeyeen sidii looga taxadari lahaa caqabad kasta oo iman karta inta lagu gudo jiro tabinta ciyaaraha, wuxuuna sheegayin arrintaasi jawi wanaagsan oo is afgarad ah ugu soo dhamaatay.

 

Dhankiisana agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid (Khaawi), oo kulankaas ka hadlay ayaa u mahdceliyey masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen agaasimaha guud ee warfaafinta iyo masuuliyiinta wehelinayey sidii warbaahinta dawladda si toos ah looga sii deyn lahaa  ciyaaraha gobollada dalka oo 28 bishan ka furmi doona magaalada Hargeysa, isaga oo intaas ku daray in ay sii ambaqaadayaan sidii hawsha tabinta tooska ah ay u hirgeli lahayd wuxuuna hawla wadeenada warfaafinta ku bogaadiyey kartida yo aqoonta ay hawshaas u leeyihiin.

 

Sidoo kale, agaasimaha telefishanka qaranka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji) oo kulankaas ka hadlay ayaa isdultaagay muhiimada ay ciyaaruhu leeyihiin, wuxuuna xusay in doorka warbaahintu tahay sidii ay bulshada u gaadhsiin lahaayeen wararka iyo barnaamijyada ku saabasan ciyaaraha, isaga oo dhallinyarada ka qayb galaya ciyaaraha kula dardaarmay in ay dulqaad muujiyaan inta lagu gudo jiro tartanka ciyaaraha.

Leave a Reply