Somaliland: Cashuurta oo lagu bixin doono Hanaan Online ah

0
551

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daahfurtay hanaan cashuurta loogu bixinaayo qaab Online ah .

Munaasibad daahfurka oo ay kasoo qayb galeen wasiiro, masuuliyin ka socda ha’yaddaha madaxbanaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  ayaa waxa sharaxaad ka bixiyey  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

“Wasaaraddu waxa ay wadaa barnaamij aad u baaladhan oo ku saabsan hanaanka loo maamulayo maaliyadda qaranka ,barnaamijka waxa qayb ka ah dib u habaynta maamulka cashuuraha , qaybtaas oo aanu ka samaynay horumar dhinaca fududaynta cashuuraha kastmada iyo cashuuraha bariga” ayuu yidhi

Wasiirka Horumarinta Deegaanka Shukri Xaaji Baandare ayaa sheegtay in barnaamijka uu fursad shaqo abuur siinayo da’yarta waxbaratay madaama aanay aqoon badan u lahayn ganacstada cashuur bixiyaha ahi ,”ganacsatadu dhallinyaro faro badan oo waxbaratay lana jaanqadaysa dunida casriga ah ayey u yeedhan doonan si ay ugula shaqeeyaan barnaamijkan , maadama aynu hore u soconay ” ayey tidhi

Nidaamkan ayaa ah hab casri ah oo cashuurta lagu bixinaayo qaab Online isaga oo qofku jooga gurigiisa ama goobtiisa shaqo

Leave a Reply