Xisbiga Waddani oo Dhaliilay Safarka Madaxweynaha ee Gobollada Galbeedka

0
410

Hargeysa (Dawan)–Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dhaliilay Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Gobollada Galbeedka dalka.

Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxynu u baahan nahay inaynu dalkeena qorsheyaal u samaynayo oo aynaan ku masqhquulin safarrada aynu Malaayiinta ku bixinayno, Calamada iyo Sawirrada Madaxweynaha iyo Roogagga cascas ee aynu dhigayno.”

Bashiir waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu dantu ku jirtaa inaynu Hay’adaheena Dawladda dhisano, in Madaxdu ay Gobollada dalka u tagto inay soo qiimayso adeeggii Caafimaadka iyo kii Biyaha iyo kii wasaaradaha ee Meesha ka jiray, in la soo qiimeeyo Saldhigyada Booliska kuwa shaqaynaya iyo kuwa xidhan, in laga gudbo Marxaladda aynu weli ku jirno ee ah inaynu Beelaha iyo Durbaankoodii weli ka shaqaynayno. Safarkaa u dambeeyay sida loo soo dhaweeyay (Madaxweynaha) iyo sidii loo yaacayey waxaad moodaysay Raysal-wasaaraha Shiinaha oo loo ogolaaday Taiwan, laakiin umanaan baahnayn, waxaynu u baahnayn in isku duwayaasha qaar shaqada laga qaado markay xilkooda gudan waayeen, qaarna la soo dalacsiiyo..”ayuu yidhi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa safarka uu ugu baxay gobollada galbeedka Somaliland kusoo kormeeray goobaha dawladda isaga oo xadhiga ka jaray mashariic laga hirgleyey.

Leave a Reply