Amaal Xaaji Miisaan: Qaranka oo dhami waa in uu dhibane ka noqdo dilka Ugbaad Cali”

0
615
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka oo ku baaqay in Qaranku dhibane ka noqdo Dilka Foosha xun ee Ugbaad Cali

“Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsoorka kaleba waxaan ka codsanaynaa in si dhakhso ah Sharciga loogu fuliyo …
 
“Odayaasha Dhaqanka waxaan ka codsanaynaa in aanay falalka noocan ah kula degdegin Sullux…” Marwo Amaal Xaaji Miisaan
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-La-taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Amaal  Xaaji Miisaan, ayaa ku talisay in Qaranku meel uga soo wada jeesto wax ka qabashada falkii  foosha xumaa ee lagu dilay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdullaahi oo ku baxday Kufsi iyo Jidh-dil todobaadkan horaantiisii loogu geystay Magaalada Burco.
Dilka Marxuumada oo argagax iyo cadho ka abuuray guud ahaan Dalka, gaar ahaan magaalada Burco iyo gobolka Togdheer, ayaa waxa geystay Nin la sheegay in uu isagu is-geeyey Saldhiga Booliska, kaddib markii uu falka sameeyey, waxaana maalmihii la soo dhaafay Magaaladaasi ka dhacay dibad-bax lagu dalbanayo in sharciga la hor-keeno gacan ku-dhiiglaha ku kacay axmaqnimada qaranku ka argagaxay.
La-taliyaha Madaxweynaha oo maalintii shalay Warbaahinta kula hadashay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqday Waaxda Garsoorka Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Hay’addaha kale ee Dawliga ah in ay dhamaantood ka shaqeeyaan sidii gacan ku-dhiiglaha loogu fulin lahaa ciqaabta uu ku mutaysanayo dhagarta foosha xun ee uu geystay.
Marwo Amaal, ayaa sidoo kale Culimo-awdiinka dalka u jeedisay in aanay ka aamusin falkaasi ee ay dhawaaq dheer bulshada ugu beyaamiyaan xukunka ay ka qabto Shareecad Islaamku, si guudna ay bulshada uga wacyi-geliyaan dhibaatada lagu hayo Haweenka ee maraysa heerkan.
La-taliyaha, ayaa Tacsi u dirtay Qoyska, Qaraabada iyo ehellada marxuumada la dilay “Waxaan aad iyo aad uga xunahay in Walaashii maanta, Hooyadii Berito, Ayeeyadii Berito iyo Mocooyadii berito, lagula kacayo falal aad iyo aad u fool-xun oo argagax leh.
“Culimada dalka waxaan ka codsanayaa in ay maalinta Jimcaha khudbadaha Masaajidada kaga hadlaan arrinkan oo aanay ka aamusin”ayey tidhi.
La-taliyaha oo si gaar ah baaq codsi ah ugu dirtay bahda Garsoorka ayaa ku adkaysay in ay dedejiyaan dacwada Kiiskan “Waxaan ka codsanayaa waaxda garsoorka Somaliland inay Kiiskaas sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan, sababtoo ah Kiis Lo’aad Kulaylka ayaa lagu gooyaa, markaa haddii arrinku sii jiitamo Ilowshiiyihiisa ayaa badta, sidaas awgeed Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsoorka kaleba waxaan ka codsanaynaa in si dhakhso ah Sharciga loogu fuliyo falkaas ka dhacay Magaalada Burco, si haweenka Somaliland argagaxaas ku dhacay uga bugsadaan”.
La-taliyuhu waxa ay farriin u dirtay waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa deegaamada uu falkani gaarka u khuseeyo “Odayaasha Dhaqanka waxaan ka codsanaynaa in aanay falalka noocan ah kula degdegin Sullux, waxaanan ka dalbanaynaa in arrinkaas Xukuumadda, Culimo Awdiinka iyo Odayaasha Dhaqankuba dhinac uga soo wada jeestaan”.
Dhinaca kale, Marwo Amaal, waxa ay farriin u dirtay Haweenka Somaliland “Haweenka Somaliland Waxaan uga digayaa in ay xidhiidh la sameeyaan qof kasta oo aanay hubin caafimaadkiisa, kana taxadiraan Waraabe Dharlaha lagu soo daayey dadka dhexdiisa, Waxaanan ku boorinayaa in ay ilaaliyaan dhaqankooda, sharaftooda iyo akhalaaqdooda”
Wasiirka Arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo falkan ka hadlay maalin ka hor hadalka La-taliyaha, ayaa ka digay in Sulux iyo wada-hadal dhaqan lagu dayo Kiiska Haweenaydan tacadiga iyo qudh-goynta lagula kacay, taasoo ay La-taliyaha Madaxweynuhuna ku bogaadisay Wasiirka iyo Hay’addaha kale dawladda.

Leave a Reply