SOHASCO iyo UNFPA oo iska Kaashanaya Mashruuc Wax lagu Barayo Xirfado kala Duwan

0
787

Hargeysa (Dawan):-  Hay’adda waddaniga ah ee SOHASCO,ayaa bilaabaysa waxbarasho lagu soo saarayo haween xirfadleyaal ah oo waxyaabo badan oo kala duwan oo nolosha aasaas u ah lagu barayo.

Waxbarashada ay bilaabayso hay’adda SOHASCO ayay iska kaashanayaan  UNFPA , iyada oo la soo mariyay YPEER Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo hay’adda SOHASCO ku daahfuraysay waxbarashada ay haweenka reer Hargeysa xirfadaha kala duwan ku barayso oo shalay lagu qabtay xarunta Hay’adda SOHASCO ee Caasimadda Hargeysa, waxaana  ka soo qayb galeen madaxda  Hay’adda SOHASCO,masuul sare oo ka socday  hay’adda UNFPA,agaasimeyaal guud guddoomiyaha daladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay,waxaana goob jog ahaa ardayda haweenka ah ee deeqdan waxbarasho ka faa’iidaysanaya.

 

Agaasimaha Fulinta SOHASCO Cabdirisaaq Xuseen Jaamac oo ugu horrayn ka hadlay mashruucan ay haweenka wax ku barayaan iyo noocyada waxbarasho ee ay bixinayaan iyo cidda gacanta ka geysatay,ayaa yidhi.“Waa barnaamij waxbarasho kaasi oo lagu tababari doono, hablaha reer Somaliland gaar kuwa ku nool magaalada Hargeysa, waxaana halkan lagu bari doona xirfado kala duwan,  oo ay ka mid tahay, cunto karinta, dawaarka iyo in hablaha lagu tababari doono Qurxinta wajiga (Make-up), maalgelintana waxaa iska leh hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA, iyada oo la soo mariyay YPEER Somaliland, waxaana fursadani ka faa’idaysan doona laba boqol iyo konton haweena, dhab ahaan markii aanu barnaamijkani baahinay waxaa aanu ogaanahay baahida ay bulshadu u qabto, barnaamijkani waa mid socon doona muddo laba bilooda”

Agaasimaha fulinta hay’adda YPEER Maxamed Mahad Dhamac, oo ka hadlayay mashruucaas iyo faa’iidadiisa,ayaa yidhi. “Qaabka barnaamijkani u soconayo SOHASCO ayaa fulinaysa, anagu dhaqaalaha UNFPA ay fulinayso ayaanu maamula, madasha duruustan lagu bixin doona waxaa ay ku taalla meel suuqa dhexdiisa ah oo bulshadu ay soo wada haleeli karto, islamarkaana ay wada iman karta, xirfadahana waxaa lagu tiriyaa waxyaabaha uu qofku markaaba ku shaqo tagi karo, sidoo kalena uu qofku dhaqaale ka abuuran karo, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in santarku xooga saaro tacadiyada ka dhanka ah haweenka, iyo sidoo kale aqoonta kor loogu qaadayo dhallinyarada”

Madaxa qaybta dhallinyarada ee UNFPA Cabdicasiis Maxamed Faarax, oo ka hadlayay mashruucan iyo sida ay u maalgelinayaan iyo siday iskaga kaashanayaan hay’adda SOHASCO,ayaa yidhi.“Ta koobaad waxaa weeyi in aan ammaan u soo jeediyo SOHASCO, oo dhab ahaantii sameeyay wax mihiima iyaga oo aan weli taageeradii loogu tallo galay in hawshan ku bilaabaan  aanu ka soo gaadhin dhinaca UNFPA iyo YPEER, oo hawsheedi wali lagu jiro, bilaabay iyagu hawshooda ku hawlan.

Sidii haweenka tacadiga looga ilaalin lahaa, oo khusaysa caafimaadka haweenka marka ay uurka leeyihiin, iyo xiliyada ay leeyihiin ee ay ugu jilicsan yihiin aqoon ku saabsan sidii caafimaadkooda loo ilaalinlahaa in ay bartaan, sida aanu isku og-nahay kooxda tababarkani wada in inta waxbarashadu socoto wacyigelintuna dhex socoto.

Waxaa barnaamijkani maalgalinaysa hay’adda UNFPA qaybta dhallinyarada, ujeedada ugu weyn ee aanu ka leenahayna waa in dhallinyaradu ka faa’ideysato, ujeedada  labaadna waxaa weeyi in ay haween ka faa’ideystaan.

Maalmahan waxaa sii kordhaya tacadiga haweenka hadii haweenku fahmaan xaqa ay leeyihiin, hadii ay isku filaansho gaadhaan oo dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca farsamada ka gaadhaan, waxaa  aanu aaminsanahay in ay yaraaneyso tacadiga ku dhacaya, dhammaantiina waan idinku hanblayaynayaa intiina ku guulaysatay in ay tababarka ka qayb galaan”

Guddoomiyaha dalladda  dhallinyarada  Sonyo Cabdicasiis Maxamed Fadhfadhle oo munaasibadda ka hadlay ayaa yidhi“Dhallinyarada hablaha iyo innamada labadaba camal la’aantu way haysataa, marka cidkasta oo sameynaysa fursado dhallinyaradu ay shaqo abuur ku helayaan waa arrin wanaagsan, oo aanu soo dhaweynayno, SOHASCO iyada oo aan weli fan la siin waxaa ay muujinaysaa awooda uu leeyahay waanan ku hanbalyaynayaa, UNFPA iyo YPEER labadaba waxaan  ugu mahad naqayna in ay la shaqeynayaan SOHASCO.

Inkasta oo ay markasta dhacaan tacadiyo dumarka loo geysto arrintaasi oo dhab ahaantii aanu aad u canbareynayno, waxaa aanu ka xunahay waxkasta oo hablaheena wax u dhimaya”

Cabdirisaaq    Cabdiraxmaan Xasan Rakuub oo ka mid ahaa masuuliyiinta lagu soo casuumay,ayaa ka hadlay  heerka xirfad la’aantu ay ka gaadhsiisan tahay dalka gaar ahaan dhanka haweenka oo uu sheegay in  ay hooyooyin badan gayaysiisay in ay cadceedda wax aan dheef badan lahayn in ay la fadhiistaan,waxaanu intaa raaciyay in mashruucan haweenka wax lagu barayaa uu faa’iido wayn bulshada ku soo kordhin doono,waxaanu yidhi.“Habeen dhaweyd ayaan waxa aan soo maray Hooyo makhaayad haysata 12:00 habeenimo weel xalaysa, hooyada waxaa aan waydiiyay immisada ayaad xaggan timaada? Waxaa ay igu tidhi salaada subax ka hor ayaan halkan imaada, marka wax ku dhaw 20-saacadood waxaa ay u shaqeynaysa waa xirfad la’aan, hadii hooyadaasi xirfad heli lahayd ama ubadkeedu xirfad u heli lahaayeen wakhtiyo ka urursan ayay shaqeyn lahaayeen.

Marka SOHASCO waan hanbalyaynayaa hay’addaha gacanta ku lehna waan hanbalyaynayaa, anagu shirkada ahaan waxaa aanu halkan ka balanqaadayna wixii ay SOHASCO nooga baahato xirafad wadaagtaasa in aanu qayb kala noqono”

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud Cumar oo hadalka u baxay ayaa yidhi. “Mar hadii dumarka lagu tababarayo xirfadahan waxaa looga baahan yahay in ay ka faa’ideystaan, barnaamijkaasi loo soo dhaweeyay ee dhan walba looga iman karayo, siyaasada Qaranka waxaa kow ka ah in la dhiirigeliyo waxbarashada iyo horamirnta aqoonta, dhallinyarada hablaha ah oo dhab ahaantii sharaf badan inaga mudan, SOHASCO waa ay ku mahadsan tahay in ay siiso adeeg bixin waxbarasho oo bilaasha”

Agaasimaha guud ee waxbarashada iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa soo dhaweeyay waxbarashada haweenka ee ay bilawday hay’adda SOHASCO,waxaanu intaa raaciyay in qorshaha xukuuaddu uu yahay in la horumariyo waxbarashada dhanka xirfadaha waxaanu yidhi.“Waxaan ku dhiirigelinaya ardayda baranaysa iyo kuwa soo codsan doonaaba in ay ka faa’idsa, sababto ah waa fursad qaaliya, waana fursada qofka lagu barayo lacag la’aan waana xifad noloshiisa wax badan ka baddelaysa, waxaanan bogaadinayaa qofkasta oo ka qayb qaatay barnaamijkani hirgelintiisa, haday tahay UNFPA, YPEER, iyo cidkasta oo kale oo dhab ahaantii ka qayb qaadatayba”

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarad iyo ciyaaraha Maxamed Khaawi oo isna munaasibaddaa  ka hadlay ayaa  yidhi.“Waxaan rajeynayaa in tababarka xirfadeed ay ka faa’ideysan doonaan, hablahaasi da’yarta ah ee loogu tallo galay, oo nafahooda iyo ka bulshada ay ka soo jeedaanba ku anfici doona, dhab ahaantii waxbarashooyinka kala duwan ee la siinaya waxaa ay ka turjumayaan, nolosha qaybta mihiimka ah ee ay kaga jiraan, qofka gabadh waxbaray waxaa uu wax baray bulsho dhan ama qoys dhan, gabadha wax la baraana waa ay ka saameyn badan tahay wiil kaliya oo wax la baro”