Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Geeriyooday

0
469

Hargeysa-(Dawan)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa Goor dhowayd ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Aw Cali Shabeel.

Xildhibaan Cabdikariim ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay gudaha Hargeysa, kaasi oo uu u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladiisa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel .

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaranka ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Marxuum Cabdikariim .

Leave a Reply