Hogaamiyeyaasha Khaatumo oo sheegay in ay diyaar u yihiin dhamaystirka Heshiiskii dhex maray Dawladda Somaliland

0
863
” Dr. Cali Khaliif ragbaa la shaqaynayey hadafkii,himiladii iyo aragtidii uu lahaa in aanu ku shaqayno oo dhamaystirno ayaanu diyaar u nahay” Kayse Cabdi Yuusuf
Widh-widh(Dawan)-Siyaasi Kayse Cabdi Yuusuf oo kamida madaxda Khaatumo ee uu hogaaminayey Alle ha naxariistee Marxuum Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in ay u diyaar yihiin dhamaystirka heshiisyadii Xukuumadda JSL dhex maray sanadihii la soo dhaafay, isagoo dhinaca kale xaqiijiyey in geerida marxuum Cali Khaliif looga sabab dhigay cudurka Covid19 oo u dhintay.
Kayse Cabdi Yuusuf oo kamid ahaa gudiddii farsamo ee Khaatumo u qaabilsanayd wadahadallaada, horena xil Wasiirnimo iyo hogaamiye Urur-siyaasaddeed uga noqday Somaliland, sidoo kalena lagu tilmaamo xubnaha dhinaca siyaasadda ugu waayo-aragsan hogaamiyeyaasha Gobolada SSC, ayaa cadeeyey inay maamulkooda ka go’antahay in la sii ambo-qaado wada-xaajoodkii heshiisyada lagu gaadhay ee ka dhexeeyey Dawladda, marxuumkuna aanu ka tegin meel cidlo ah ee uu ka xijaabtay nidaam dhisan howsha sii wadi kara.
Siyaasigan oo Wargeyska Dawan Khadka Telefoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan Magaalada Widh-widh ayaa dhinaca kale geerida Marxuumka ka tacsiyadeeyey qoyskii, qaraabada, ehellada,shacabkii uu hogaamiyaha u ahaa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed,waxaanu Su’aal Wargeyska Dawan ka waydiiyey arrimaha wadahadallada kaga jawaabay:-
“Alle ha u naxariistee Hogaamiyahayagii iyo Odaygii na hogaaminayey haddii uu Dhintay cidla kagama tegin howshii. (Khaatumo) waa nidaam dhisan oo goleyaal dhamaystiran leh, Marxuumka (Cali Khaliif) ragbaa la shaqaynayey, hadafkii,himiladii iyo aragtidii uu lahaa in aanu annagu ku shaqayno oo dhamaystirno waa qabnaa, mana aha Cali hadduu dhintay ujeedooyinkii iyo ahdaaftii uu lahaa way dhimatay oo cidi kama daba-tegin.
Annagu (Khaatumo) mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu aragtidiisii iyo ujeedooyinkaygii sii wadno oo sii dhamaystirno haddii laga helo Walaalahayaga dhanka Somaliland”ayuu yidhi.
Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa geesta kale ku tilmaamay mowqifka Maamulkooda ee wada-hadallada “Waxaanu doonaynaa Somaliland wanaagsan oo loo siman yahay oo la wada leeyahay. Somaliland gees ka gees la wada leeyahay oo loo siman yahay, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo dawladnimada, haddii taas la helona annaga guulbay noo ahayd, walina noo tahay, keligayana guul uma aha ee Somaliland oo dhanbay guul u ahayd, haddii la waayana waxaan u aragnaa in ay guul-darro u tahay Somaliland oo dhan”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Ma jiro wax war ah oo ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay waxa uga qorshaysan sii wadidda wadahadalladii ay Xukuumaddii hore heshiiska kula gaadhay Khaatumo.

Leave a Reply