Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo ka Hadlay Qorshaha Dhammeystirka Jidka Balligubdale iyo Dhagax-buur

0
600

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Hawd, Axmed Ciga Yare Maxamed, ayaa ka hadlay mihiimada ay leedahay jidka isku xidhaya magaalooyinka Balligubadle iyo Dhagax-buur, oo uu sheegay in tahay waddadaasi jidka nabada iyo hormarka  ee labada deegaan.

Waxaa kale oo uu xusay in dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, in ay diyaar u yihiin dhammeystiri doonaan jidka Balligubadle iyo Dhagax-buur.

Waxaaa kale oo uu ka hadlay faa’iidada waddadani u leedahay bulshada gobolka Hawd,

Guddoomiyaha gobolka Hawd, Axmed Ciga Yare Maxamed, isaga ugu horeyn arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Wadada isku xidha Baligubadle iyo Dhagax-buur, waxaa waday markii hore dadka shacabka labada deegaan, iskana kaashanayay hirgelinteeda iyo dhismaheeda, muddo dhawr sannadood ahna way socotay.

Wadada markii maalintii dhaweyd la daahfuray waxaa loo bixiyay wadada nabadda sida aynu og-nahay colaado ayaa berigii hore la dhex dhigay dadka, marka bulshada halkaasi waxaa ay ku heshiiyeen in ay damqadaan oo ay waddo sameystaan isku xidha.

Daahfurka wadadaasi aad iyo aad ayaa looga soo qayb galay, dhanka DDS waxaa ka socday afar wasiir oo uu hoggaaminayo wasiirka jidadka, saddex wasiir ku xigeen, guddoomiyeyaasha gobollada Jigjiga iyo Jarar masuuliyiin iyo marti sharaf kale, madax dhaqameed, xaga Somaliland-na wefti culus oo aan hoggaaminayay ayaa ka qayb galay, waxaana aanu aad ugu mahad celinayna oo wadadaasi sitoosa ugala wareegay bulshada labada deegaan ee Somaliland DDS, madaxdii iyo masuuliyiintii dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo uu horkacayay wasiirka jidadku, iyagana yidhi mar hadii aad halkaasi soo gaadhsiiseen ka dawladd ahaan anaga ayaa la wareegayna, oo dhammeystirayna.”

Mar uu ka hadlayay sida ay waddadu  nabadgelyada uga qayb qaadanayso waxaa uu yidhi “Waxyaabaha kale ee u baahan in la xuso waxaa ka mid ahaa in bulshadii shalay colaadu kala irdhaysay ee nabada qaataay in ay neefkii adhiga ahaa Haraga ka wada saarayeen, casuumadana wada sameynayeen”

Guddoomiyuhu dhanka horumarka iyo dhammeystirka waxaa uu ka yidhi. “Wadadan hirgelinteeduna qiimo badan ayay leedahay, hadday caafimaad ahaan laheyd, haday waxbarasho ahaan laheyd, haday isgaadhsiin ahaan laheyd, hormar wada ka horeeya ma jiro, faa’iidada gobolka Hawd ay u leedahayna waxaa ka mida in ay isku xidhayso dhinaca isu socodka ganacsiga labada bulshada, waxaa kale oo ay kaalin mihiima ka qaadanaysa dhinaca adeegyada horumarka, iyo nabadgelyada”

Guddoomiyaha gobolka Hawd Axmed Cige Yare uu ka hadlayay ciyaartoyga gobolka Hawd u ciyaari doonta qaabkii loo soo xulay waxaa uu yidhi.“Waxaanu bulshaweynta gobolka Hawd ugu bushaareynayna in aanu sannadka hayno ciyaaryahano da’yar, oo firfircoon, oo aad iyo aad loo soo carbiyay, boqol ciyaaryahan ayaa soo codsaday in gobolka Hawd ay u ciyaaaran waana la kala shaandheeyay waxaa nasiib u helay 19 ciyaartooy”

“Gobolka mashaariico fara badan ayaanu ka fulinay, kuwo badan oo kale oo aan wax laga qabanina waa ay jiraan, waanan ku raadjooga, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee mihiimka u ah horumarka bulshada, mashruuca ugu weyn ee socdaana waa wadada isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa, halkaasna ka noqota wajiga labaad ee Baligubadle iyo Dhagax-buur, wajigii koobaad waa uu dhammaaday kaliya waxaa imika lagu hawlan yahay in daamburkii la saaro bulshada iyo madaxda gobolka Hawd gudo iyo dibadba”Ayuu yidhi mar uu  ka hadlayay mashaariicda gobolka ka socda iyo kuwii fulay.

Leave a Reply