“Maxamuud Xaashow waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay” Siyaasi Buuni 

0
1129

Hargeysa-(Dawan)-Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa ka jawaabay khudbad saacad ah oo uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somalilan, Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta taasi oo uu ku dhaliilay Xukuumadda maanta talada haysa.

 

Siyaasi Buuni ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin .

 

“Maxamuud Xaashow da’deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay , Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen ? Soo may jirin markaad xilka haysayba , waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay , aakhiradaada u tudho oo umadda cafis weydiiso  ” ayuu yidhi

 

Halkan ka Daawo Muqaalka

Leave a Reply