“Cawo waa in ay heshaa Magdhow Nafeed iyo mid Maaliyadeed” Xisbiga Waddani

0
366

Hargeysa-(Dawan)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa cambaareeyey Xukunka ay Maxkamaddu kasoo saartay Kiiska Cawo Xariir Raage oo Kufsi Loogu Gaystay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa.

Xoghayaha Caddaaladda ee xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay inay tahay arrin aad looga xumaado Xukunka ay maxkamaddu kasoo saartay kiiska Cawo , “Maxkamadda waxa kasoo baxay xukun aanay umaddu filayn oo damiirka iyo dadnimada ka fog , waxa la cadeeyey in Cawo maskaxda ka xanuusanayso oo Aabaheedna indho la’yahay , waxaana ku dhacay tacadi aad u weyn”
Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in Cawo aanay helin xaqii ay ku lahayd garsoorka dalka , waxanu xukuumadda ugu baaqay in ay siiso magdhow nafeed iyo mid maaliyadeed qoyska Cawo oo danyar ah

“waxaanu aad uga xunnahay xukunka ay Maxkamaddu kasoo saartay kaasi oo ay afar qof debadda jooga tidhi , qaarna xukun aan u qalmi ay kasoo saartay , waxa ay ahayd in Cawo ay hesho Magdhow nafeed iyo mid maal. waxaan usoo jeedinaynaa Xukuumadda Somaliland in ay magdhow siiso qoyska Cawo waayo waa qoys danyar ah oo xanuusanaaya oo tacadi ku dhacay ” ayuu yidhi

 

Cawo Xariir Raage oo ah gabadh yar oo maskaxada ka xanuusanaysa ayaa kufsi loogu gaystay xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa .

 

Leave a Reply