Harimacad loo dhoofinaayey Yemen oo Hargeisa Lagu qabtay

0
466

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland ayaa ciidamada Somaliland kala wareegtay toban Harimacad oo la doonayay in sifo sharci darro ah looga dhoofiyo dalka.

Waxaana fal-dembiyeedkaas lagu soo qabtay laba eedeeysane oo rabay inay xeebaha dalka ka dhoofiyaan Harimacaddadaasi, iyada oo laga soo qabtay deegaanka xeedho, waxaana hawgalkii lagu soo qabtay iska kaashaday ciidanka Booliska ee saldhiga Daloodho iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga waaxda u qaabilsan arrimaha duurjoogta.

Taliyaha saldhiga Daloodho gaashaanle Kayse Suudi iyo agaasimaha waaxda duurjoogta ee wasaaradda deegaanka Cabdinaasir Xuseen Siciid oo goobtas ka hadlay ayaa sheegay in eedeysaneyaashaas dhawr jeer oo hore ay maxkamadi ku xukuntay, iyaga oo ka ganacsanaya xayawaankaas isla markaasna ay Wasaaraddu goor hore heshay in harimacaddadaasi la rabo in si sharci darro ah looga dhoofiyo xeebaha dalka.

Dhinaca kale, waxay farriin u direen bulshada Somaliland oo ay ka codsadeen in duurjoogta lagu ilaaliyo tilmaamayna inay tahay kheyraadkii iyo nimcadii dalkani lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Cabdinaasir Axmed Xirsi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay farxad u tahay inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaayshan isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan sharciga loo horgeyn doono, wuxuuna intaas raaciyay in 23-kii bishii hore ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kale oo ku hawlanaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta, waxaanu xusay inuu ku rejo weyn yahay in eedaysanayaashaas iyo kuwan haddaba sharciga la marsiin doono.

Leave a Reply