Isha Cilmigu Waa Khibradda!

0
567

Albert Einstein waxaa uu uu ahaa saynisyahan u dhashay wadanka Jarmalka , waxaa uu ku dhashay magaalada Ullm ee Germany Bishii March 14, 1879, waxaana uu dhintay April 18, 1955 dalka Maraykanka New Jersey. Albert waxa uu ka mid yahay tiirarka cilmiga Fisigiska casriga ah.

Weedho iyo kelmado muhiim noqday ayaa laga dhaxlay kuwaasi oo nolosha la jaan qaaday waxaana ka mid ahaa:

  1. Bartanka waqtiga adag ayaa fursadaha laga helaa.
  2. Noloshu waa sida baaskiil, si aanad u dhicin waa in aanad socodka joojin.
  3. Nabada laguma hayn karo xoog, waxa kaliya ee lagu gaadhi karaa waa isfahan.
  4. Intaanad ciyaarta bilaabin, baro xeerarkeeda waxaad noqon doonta ka ugu ciyaarta fiican.
  5. Hadii shayga aad si fudud u sharrixi kari weydo, macnaheedu waa in aanad si fiican u fahamin shaygaasi.
  6. Isha keliya ee cilmi laga helaa waxaa khibradda.
  7. Ha u jihaadin sidii aad u guulaysan lahayd, laakiin door bid sidii aad qiimo u yeelan lahayd.
  8. Kuma xalin karno dhibaatooyinka adeegsiga isla fikirkii dhibaatada keenay.
  9. Wax ka baro shalay, ku noolow maanta berina rajee waxaa wanaagsan.

 

Leave a Reply