Wanaagga Ayaa Daboola Xumaanta Hore!

0
397

Waxa uu ku noola Hindiya, isagoo ku shaqaysan jiray tuugada. Maalin danbe ayaa lagu qabtay Alaab uu xaday ka dibna waxa wejigiisa lagu qoray laba eray oo loo soo gaabiyay waa tuugii Alaabta xaday  (SK).  Wakhtigaasi ayuu bedelay shaqadiisa waxaana uu ku dhaqaaqay inuu samafale dadka caawiya noqdo. Miskiinka, iyo taajirkaba si isku mid ah ayuu u kaalmayn jiray. Dadka buka wuu soo booqan jiray oo caawin jiray.

Waxaana uu caan ku noqday inuu yahay samafale si guud dadka u kaalmeeya. Markii uu da’da ahaa oo weli wejigiisa ayay ka sii muuqanayeen labadii xaraf.   Maalin uu soo booqday nin bukay, nin  kale oo ninkaasi ag fadhiyiy ayaa weydiiyay: “ waa maxay xarfaha wejiga kaga qoran odaygan samafalaha ah”. Ninka buka ayaa ugu jawaabay: “ ma garanayo laakiin waxaan filayaa inay tahay “ Samafale”. Wanaagga aad u samayso dadka waxay qarisaa xumaantaada hore.

Leave a Reply