SOLJA oo War ka soo saartay Xadhiga laba Wariye

0
480

Hargeysa (Dawa) Ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu si wayn uga soo horjeedaa xadhiga labada wariye ee, kala ah Maxamed Shaqale iyo Siciid Muuse (Qurbaawi) oo lagu kala xidhay Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Ururka suxufiyiinta Somaliland waxa uu dhaliilayaa talaabada ay guddida nabadgelyadda gobolka SOOL, xabsiga ugu dhaadhiciyeen wariye shaqale, kaasoo ay maanta u jareen toddoba cisho oo rumaan ah.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa xadhiga labadan wariye mid sharci daro ah, maadaama aan loo marin
nidaam sharci ah.

Ururka SOLJA, waxa ugu baaqayaa masuuliyiinta labadaas gobol inay xorriyadooda usoo celiyaan labada wariye, isla markaana ay cidda ka cabanaysaa u martaa nidaam sharci ah.

Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

Leave a Reply