Taliyaha Dab-damiska oo xadhiga ka jaray xarunta Ciidankaas ee Boorama

0
499

Borama(Dawan)-Guddoomiyah gobolka Awdal, Maayirka degmada Boorama iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa xadhiga ka jaray xarunta Ciidanka Dab-demiska ee Boorama oo dhismaheeda la dhamaystiray.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta xaruntaasi ay soo martay marxalado kala duwan, iyada oo wax badan ku soo kordhisay gobolka Awdal iyo degmada Boorama, wuxuuna taliyuhu bulshada gobolkaas ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka Dab-damiska, isaga oo qurbajoogta deegaanka uga mahadnaqay kaalintii ay qaateen aasaaska xarunta Dab-demiska Boorama.

Duqa degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi ayaa ciidanka Dab-demiska ku bogaadiyay furitaanka xaruntan cusub, waxaanu bulsho weynta magaalada Boorama ka codsaday in ciidamada ay soo dhaweeyaan markasta oo ay hawlgal ku jiraan, isaga oo ballan qaaday in ay ku caawin doonan gaadiid.

Waxaa kale, oo iyana halkaasi ka hadlay Sheekh Xasan Diheeye, Dr. Buuxane, taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal iyo masuuliyiin kale oo si isku mid ah u bogaadiyay furitaanka xaruntaas.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo munaasibada soo xidhay ayaa ku dheeraday waxtarka Ciidanka Dab-demisku u leeyihiin gobolka, isaga oo sheegay in taliyaha Ciidanka Dab-demisku hal-abuur soo kordhiyay waxaanu bulshada u soo jeediyay inay la shaqeeyaan ciidanka Dab-demiska.

Ugu danbayn guddoomiyaha ayaa ciidanka ku wareejiyay qalabka is gaadhsiinta ciidanka oo ay kala xidhiidhi doonaan laamaha amniga ee gobolkaasi.

Leave a Reply