“Waxaan rajeynayaa in inanka Awaare jooga uu ku soo dabaasho Berbera.” Wasiirka Dr Sacad Cali

0
557

Ina-Guxaa-(Dawan) Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland iyo itoobiya inay iska kaashadaan hirgelinta iyo dhamaytirka wadadda isku xidha Ina-guuxaa, Daroor iyo Awaare.

Munaasibad loo qabtay Dhagax dhiga wadada Ina Guuxaa, Daroor iyo Awaare oo Dr Sacad hadal ka jeediyey ayaa sheegay in samaynta waddo fududeyso isu-socodka,

“Waddadu waxay fududeysaa isu-socodka, ganacsiga, maalgashiga, waxay fududeysaa bixinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda oo faahfaahin ka bixinayey muhiimada samaynta wadadda ayaa amaan u soo jeediyey dhamaan intii ka qeybqaadatay isagoo sheegay inuu u mahadcelinayo dhamaan intii ka qeybqaadatay, isla markaana ku booriyey masuuliyiintii iyo martisharaftii ka kala socday labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya guddo iyo dibed-ba inay kaalin ka qaataan dhamaystirkiisa.

“Waxaan rajeynayaa in kulanka inoo xiga noqdo mid aynu xadhiga kaga jarno wadaddu iyadoo labada dhinac-ba ka dhamaatay. Waxaan rajeynayaa inaan xaadir ahaano maalin inanka Awaare jooga uu ku soo dabaasho Berbera, isla habeenkiina Awaare ka casheeyo.” Ayuu yidhi Dr Sacad.

Wasiirka Maaliyadda ayaa gebagebadii ugu duceeyey dhamaan inta ka qeybqaadatay, iyo bulshada labada wadan inay badhaadhe ku noolaadaan iyo is-afgarad dhexdooda ah.

 

Leave a Reply