Wasaaradda Caafimaadka oo Bulshada uga Digtay Halista Xannuunka Covid-19 Xilli Qaboowga

0
362

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa kulan ka yeelatay ka hortaga iyo xakameynta xannuunka Covid-19, ee xiliga qaboobaha, taasi oo halistiisu dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku sii kordhayso.

Kulankaasi oo uu shirguddoominayay, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka udane Cumar Cali Cabdillaahi , islamarkaana ay ka soo qayb galeen masuuliyiin, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, kana qabsoomay hoolka shirarka ee wasaaradda caafimaadka, ayaa lagaga hadlay u diyaar garowga iyo ka hortaga iyo xakamaynta xannuunka COVID-19 oo xiligan qaboobaha markale soo laba kacleelayay.

Waxaana kulankani arrimaha sida gaarka ah diirada loogu saaray ka mid ahaa.

  1. Xaaruumaha daawaynta iyo daryeelka ee xanuunka Coronavirus. 2. Kor uqaadista aqoonta dhakhaatiirta iyo tababarka hawl-wadeenada ka hawl gala xaruumaha daawaynta bukaanka Coronavirus. 3. Dardargalinta iyo dib u habaynta xaaruumaha wicitaanka xidhidhka (Call Centers-ka). 4. Diyaarinta dawooyinka, gaadiidka, Oxygen-ta IWM ee ku filnaan kara baahiya bukaanka muhiimka u ah dawaynta. 5.Dardargalinta wacyigalinta & bararujinta Kahortaga & xakamaynta xanuunka Covid-19.

Waxaanu kulankani ka mid ahaa kulamada sida  joogtada ah uu wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadku ula yeesho saraakiisha iyo hawl-wadeenada wasaaraddaasi.

Gaba-gabadii waxaa ay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ku wargelinaysa bulshada, iyada oo kaashanay warbaahinta in wakhtigan  qaboobaha uu xannuunka Coronavirus uu markale dunida ku soo laba-kacleeyay, dadka dalka gudahiisa laga helayaana ay kordhayso, sidaasi darteed waxaa ay bulshada uga digaysa in ay ka feejignaadan halista xannuunkan safmareenka ah ee Covid-19

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa deddaal adag ugu jirta buuxinta baahiyaha caafimaadka iyo horumarinta adeega caafimaadka.

Leave a Reply