Somaliland oo Taariikhda Ku Daraysa Halyeygii Badbaadiyey Kumanaanka Ruux

0
489

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay taariikhda ku dari doonaan geesinnimadii uu ku badbaadiyey Bulshada reer Hargeysa Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ah duuliyihii diiday inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, 13-ka bishii Julay 1988-kii, xilligaas oo uu ka mid ahaa Duuliyeyaasha diyaaradihii dagaalka ee dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya.

 

 

Wasiir Maxamed Kaahin ka qaybgalay kulan Duuliyaha xalay loogu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa u mahad-naqay Axmed Maxamed Xasan iyo Maamulka Xarunta Dhaqanka Hargeysa ee hirgelisay kulankan, isla markaana ay ka qaybgaleen Dadweyne dhallinyaro u badan, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Xubno Ururkii SNM ee dalka xoreeyey ka mid ahaa.

 

โ€œHalkan waxa fadhiya inta badan dhallinyaro, kollay arrintani waxay macno u samaynaysaa Dadkii SNM ee siday wax u dhacayeen ogaaโ€ฆโ€ sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, waxaanu ka warramay dhibaatada ay Ciidanka dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya u geysteen Dadkii ku noolaa dhulka Somaliland oo uu gumaad iyo xasuuq ku tilmaamay.

 

Wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlaya goโ€™aanka Axmed-dheere qaatay iyo siduu u adkaa, wuxuu yidhi; โ€œAxmed waan u hambalyeynayaa, xilligaa nin goโ€™aan adag leh oo caqiidadiisa islaamku ay hagayso, ayaa goโ€™aankaa Axmed qaatay qaadan karaayey. Ninku haddii uu talis ka baxsanayo oo uu Sarkaal yahay, waxa laga yaabaa awoodo farabadan buu leeyahay, oo gaadhuu heli karayaa, ciidan buu ka xaysan karayaa, gaadhigaasuu ku baxsan karayaa. Laakiin, way adag tahay Nin duuliye ah oo diyaarad dagaal saaran oo aan haysannin meelo kale oo caawin kara iyo garoomo kale oo diyaaradeed oo uu ku dego, waxa laga yaabaa markuu degaayo inuu ku soconayo 300KM.โ€

 

โ€œLaakiin, waxa laga yaabaa markuu garoonka ku degaayo inuu ku soconayo 300 km, waa Hargeysa, Berbera illaa Burco. Waad qiyaasi karaysaa markaa diyaaradda isbiidhkaa uu tegaayo, diyaaradda ayaa cilladi ku iman kartaa, diyaarad kale ayaa ridi karta, Bayloodku goโ€™aan wuu qaadan karaa, Baarashuud buu diyaaradda ka goosan karaa, deegaanka uu ku degayana ma garanayo, waa dhul xeeb ah oo diyaaradda is-biidhkaa ku socota dhib ku ah. Markaa, Axmed geesinnimo ayuu sameeyey, goโ€™aan wanaagsan buu qaatay, waa inaad intiinna halkan fadhidaa xasuusataanโ€ฆ Haddaynu reer Somaliland nahay Axmed xusuus buu innagu leeyahay, dhalinyartuna waa inay ogaataa.โ€ Sidaa ayuu yidhi Wasiir Kaahin,

 

Waxa uu Wasiir Maxamed Kaahin, halkaas kaga jawaabay suโ€™aalo iyo soojeedimo ka qayb-galayaasha qaarkood kaga qayb-qaateen barnaamijka, kuwaas oo ay ka mid ahayd in billad sharaf amma billad-qaran la siiyo Axmed-dheere oo uu mudan yahay, waxa uu yidhi; โ€œWaxaynu dhisaynaa hadda halkii Khayriyada la odhan jiray, waxaynu ka dhisaynaa Madxafka taariikhda qaranka, Axmed, waxa uu ka mid noqonayaa dadka lagu xusayo ee taariikhdiisu halkaas oollayso, wixii kale ee aynu ku tari karnana waan ku taraynaa.โ€

Leave a Reply