Xukuumadda Somaliland oo Digniin u Dirtey Shirkadaha Xayaysiiya Deeqaha Waxbarasho ee Dalalka Dibada

0
453

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa digniin u diray shirkado uu sheegay in ay sifo qaldan lacago uga urursadaan dhallinyarada ka qalinjabisa dugsiyada sare ee dalka, islamarkaana dalka dibadiisa u raadsada waxbarasho Jaamacadeed.

Wasiir Toorno, ayaa sheegay in habayaraate aanay jirin shirkad bixisa waxbarasho bila lacag ah oo jaamacad dibadeed ah, balse shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasiba ay yihiin kuwa ku doonaya lacago ay dhallinyaradaasi ka qaadan.

Wasiirku waxa uu dhallinyarada dugsiyada sare ka baxay ugu baaqay in cidiii doonaysa waxbarasho dalka dibadiisa ay wasaaradda la soo wadaagto, si ay uga caawiyaan wixii xaqiiqo ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaa aan dhallinyarada uga digaya waxaa aan arka maalin walba shirkad waxbarasho bilaasha xayeysiinaysa, waxaa jira rag ku shaqeysta oo wasaaraddana aan ka diwaangashaneyn, digniina waanu siinay mar labaadna waan ku celinayaa, arday danyara oo  waxbarasho doonaya ayay ku odhanayaan ‘waxbarasho bilaasha ayaanu ku raadinaynaaye horta imtixaanka laba boqol keen, kun qof marka min saddex boqol laga qaado waa saddex boqol oo kun, shan ka mida ayaa la odhanaya qayb ahaan ayaanu ku helnay.

Marka waxaan leeyahay ardayda waar wasaaradda waxbarashada la soo xidhiidha si aanu kaaga si aanu kaaga eegno in ay tahay cidd inta yar ee aad hayso doonaysa in ay dhufato iyo in dan kale laga leeyahay, shirkad ayaa meel laga furayana heblaayo inter price shan boqol oo kun ayay ku qaadanayaan imtixaan way ka cararayaan hadhawna”

Leave a Reply